KHEYRAADKA BIYAHA SOOMAALIYA
BOGGA TUSMADAHORUDHAC
Warbixintan
Qiimaha Biyaha
Waa Maxay BIYO-LA’AANTA?
Cabbirka Biyaha & RoobkaHORUDHAC
Biyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba loogu
sheegay Qur’aanka kariimka ah. Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin nolosha adduunyada ka sokow
waxaa kale oo ay sababi karaan qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. Biyaha halkan
looga hadlayo waa biyaha-macaan (freshwater), ma aha biyaha badda.
Dhibaatada dhinaca biyo-la’aanta adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa ayaa waxaa nasiib
darro ah in ay ku badan tahay waddamada soo koraya (developing countries), waddamada ku
horumaray dhinaca warshadaha ma aha kuwa ay waqtigan xaadirka ah haysato dhibaatada biyo-
yarida, ayada oo ay sabab u tahay xaaladda jawiga cimiladooda, tirada dadkooda oo aanan kor
u soconin iyo teknoolajiyada ay gaareen oo xal u noqon karta dhibaatooyinka qaar. Dunidan aynu
ku nool nahay waxay maanta dhibaato biyo-yari heystaa dad lagu qiyaasay in ay la egyihiin laba bilyan
oo qof, ayada oo weliba ay tiradaasi sii kordheyso sababo badan owgood, haddii aanan waxba laga
qabanin.U helidda dadka bani’aadanka ah biyo nadiif ah oo ay isticmaalaan waa mid ka mid ah xuquuqda
aadanaha oo idil, waana aasaaska nolosha dunida.Warbixintan
Warbixintani ma aha mid dhameystiran, ayada oo ay weli ii socdaan baaris la xiriirta sidii aan ku ururin
lahaa macluumaadka quseeya kheyraadka biyaha iyo guud ahaan degaanka soomaaliyeed, haddii lle
idmana, waxaan mardhaw soo saari doonaa waxbixintan oo dhameystiran. Warbixintani waa mid aan
ugu talo galay in ay sawir ka bixiso kheyraadka biyaha dalka Soomaaliya oo ah dal ay naafeeyeey
fatahaadyo iyo abaaro macluul iyo gaajo dhaliyey, dhinaca kalena ay majuujiyeen khilaafyada hubeysan
iyo ismaandhaafka siyaasadeed ee aan weli xal loo helin. Haddana maaddaama aysan jirin hey’ad
soomaaliyeed oo qaabisan ururinta macluumaadka la xiriira kheyraadka dalka, waxaan nafteyda ku
xukumay in aan soo saaro warbixin dhameystiran oo ku saabsan kheyraadka biyaha iyo beeraha
dalkeenna, waxbixintaasi oo ku saleysnaan doonto daraasaadyadii ugu dambeeyey ee lagu sameeyey
dalkeenna intii aysan dhicin dhibaatooyinka sokeeye iyo weliba macluumaadyadii ka dambeeyey,
aniga o la kaashan doono aqoonteyda la xiriirta biyaha iyo deggaanka. Waxaan soo dhaweynayaa
wixii taageero iyo gacan ah ee aan ka keli karo dadka soomaaliyeed. Waxaa amaan iyo mahad mudan
Allaha awoodda faraha badan leh ee ii sahlay in aan warbixintan qoro, isaga ayaana ka baryayaa in uu
ii fududeeyo sidii aan u dhameystiri lahaa warbixintan gaaban ee qaran ee horudhaca ah.Qiimaha Biyaha
Qur’aanka Kariimka ah ayaa Rabbi ku sheegay qiimaha ay biyuhu u leeyihiin dadka, dhulka iyo
xoolahaba, iyo guud ahaan nolosha dunida. Wuxuuna Ilaahay yiri dhulku marka uu dhinto oo ay abaari
hesho biyo la’aan darteed waxaan ku nooleynaa roob kaasoo manaafacaad u noqda dadka iyo
xoolahooda. Biyuhu waxa ay gaareen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Rabbi yiri “...waxaannu
biyaha ka yeelnay/dhignay shey walba waxa uu ku noolaado...” Suuratu Anbiyaa´, aayadda 30aad.
Rabbi aayad kale (Suuratu Nuur, 45) ayuu ku sheegay in noole kasta oo socda dhulka korkiisa laga
abuuray biyo. Biyuhu waxa ay ka mid yihiin kheyraadka dabiiciga/rabbaaniga ah (natural resources) ee
Ilaahay ku maneystay adduunkan. Asal ahaanba, biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka
bulshada iyo dhaqaalaha, tayada nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, ayada oo ay
ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyada ay ka bilowdeen meelo biyo leh. Biyuhu waxa ay qeyb
libaax leh ka ciyaareen (welina ka ciyaaraan) warshadeyntii Yurub iyo Ameeriko, mana suurto galeyso
maanta in qaran ama dal uu horumar higsado haddii ay jirto biyo yari.
Biyuhu waa badeecad aanan ganacsi geli karin sida shidaalka, waana shey aanan deeq iyo
macaawino gelin sida cuntada iyo daawada. Kaalinta iyo muhiimadda ay biyuhu ku leeyihiin nolosha
waxay kalifi kartaa in ay adkaato in waddamada ku yaala dhulalka qalalan ee hawada kulul ay gaaraan
horumarka bulshada ee dhinaca dhaqaalaha ayada oo ay sabab u tahay kuleyka hawadooda oo
xaddidaya helitaanka biyaha ay dhirta iyo dadkuba u baahan yihiin.Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la’aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto,
waayo 62% jirka bani’aadanka waa biyo, tani macnaheedu waa qofka uu culeyskiisu la egyahay 50
kiilo, 31 ka mid ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid
yihiin hab-dhiska qashinsaarka jirka iyo dheelitirka heerkulka jirka.80% cudurada ku dhaca dadka dunida oo dhan waa kuwa ka dhasha isticmaalka biyaha aan nadiifka
aheyn oo wasaqeysan, ayada oo weliba arrintani ay u badan tahay dalalka soo koraya amaba loo
yaqaanno dunida saddexaad. 5 illaa 7 milyan oo qof ayaa sanadkii walbaba u dhimata cudurada laga
qaado biyaha wasaqeysan. Arrinta kale oo murugada leh ayaa waxa ay tahay in saddex meelood laba
meel dhimashada dadka dunida saddexaad ku nool ay sabab u tahay isticmaalka biyaha aan nadiifka
aheyn iyo helitaan la’aanta biyo ku filan (enough quantity) oo tayo fiican leh (good quality), kuwaas oo ka
kaafiya dhinacyada nadaafadda iyo nolosha guud.Wargeyska METRO ee ka soo baxa magaalada Stockholm wuxuu qoray (1998) in dad tiradoodu
gaareyso hal milyan oo ku nool dalka Tansaaniya ay aragga indhaha beeli doonaan muddo 20 illaa iyo
40 sano kadib, ayada oo ay qaarkalena (8 milyan) arrintaasi halis u yihiin. Sababta arrintani waa ayaga
oo isticmaala biyo wasaqeysan.Waa Maxay BIYO-LA’AANTA?
Biyo-la’aanta ama biyo-yarida, oo afka qalaad lagu yiraahdo “water scarcity” waxaa asal u ah dhowr qodob oo kala duwan loona kala saari karo kuwo dabiici ah iyo kuwa aanan dabiici aheyn, (kuwo ay dadku sababaan iyo kuwo aysan dadku sababin waxna aysan ka qaban karin):
Qobodaba dabiiciga ah ee sababa biyo-yarida:
Qodobada aanan dabiiciga aheyn ee sababa biyo-yarida:
Haweeneyda iswiidhishka ah ee caalamku u tixgeliyo in ay mid tahay dadka ugu aqoonta roon dhinaca cilmiga biyaha, Professor Malin Falkenmark, ayaa waxbixin ay kol hore soo saartay si cad ugu qeexday macnaha loola jeedo Biyo-la’aan ama biyo-yari. Waxbixintaas waxay ku saleysan tahay qiyaas lagu cabbiri karo heerka biyo-la’aanta ee uu qaran ama dal yeelan karo. Qiyaastaas, oo loogu magac daray, Malin Water Scarcity Index, waxay sheegeysaa in haddii tirada biyaha wadan ee ku soo aadeysa qof walba oo waddankaas ku nool sanadkii ay la egtahay amaba ka yaraato 1700 m3 (1.7 milyan oo liitar) waxaa halkaas ka jirta biyo-la’aan (water scarcity). Haddii tiradaasi la egkaato ama ka hoos marto 1000 m3 (hal milyan oo liitar), waxaa markaas la oran karaa biyo-la’aan aad u daran ayaa halkaas (waddankaas) ka jirta (chronic water scarcity). Haddii tiradaasi gaarto amaba ka hoos marto 500 m3, waxaa markaas la oran karaa waa biyo-la’aan buuxda (absolute water scarcity).
Prof. Malin waxay ii sheegtay in tiradaas biyaha ah ay ku jiraan dhamaan biyaha uu qofku u baahan yahay sanadkii oo dhan, biyahaas oo kala ah kuwii uu guriga ku isticmaali lahaa, kuwii lagu beeray ama lagu waraabiyey cuntada uu qofku cuno maalin walba, kuwii dhowri lahaa degaanka uu ku nool yahay iwm. Tirada biyahaasi kaga aadan isticmaalka guriga (cabid, cunto- karsi, nadaafad i.w.m.) ayaa waxaa lagu qiyaasaa 15m3 (15 kun oo liitar) sanadkii qof walba. Biyo-yarida heysata dalkeenna Soomaaliya waa mid noocyo badan leh, waxaana isugu darsoomay dhamaan noocyada kala gedisan ee biyo la’aanta kalifa sida biyo-yarida dabiiciga ah, biyo-yarida tirada sii kordheysa ah, midda degaanka iyo midda horumar la’aanta ah.
Cabbirka Biyaha & Roobka
Biyaha waxaa lagu cabbiraa halbeegga loo yaqaanno mitirkubo (cubic meter) oo loo qoro (m3) ama liitar. Haddii mugga (volume) biyuhu ay aad u badan yihiin waxaa lagu cabirraa km3.
m3 = hal mitir kubo. (hal liitar oo biyo ah wuxuu la egyahay hal kiilo oo biyo ah)
hal m3 wuxuu la egyahay kun liitar (one cubic meter = 1000 liters).
hal km3 = hal kiilo-mitir kubo (one cubic kilometers).
hal km3 wuxuu la egyahay hal bilyan oo mitir kubo. (1km3 =1x106 m3).Roobka waxaa lagu cabiraa halbeegga loo yaqaanno milimitir ee marka la soo gaabiyo loo qoro mm. Hal milimitir oo roob ah haddii uu ku da'o dhul baaxaddiisu dhan tahay hal kilomitir oo isku wareeg ah, waxaa ka soo baxaaya biyo la eg hal milyan oo liitar ( 1000 m3).
SOOMAALIYA
Dalka Soomaaliya waa dal ku yaala Geeska Bari ee Qaaradda Afrika oo xuduudyo caalami ah la leh dalalka deriska la ah ee lakala yiraahdo Itoobiya, Kiinya iyo Jabuuti. Bed ahaan dalkeennu wuxuu ku fadhiyaa dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay 637,540 km2. Soomaalidu waxay sanadkii 1960kii ka xorowday Gumeystihii Reer Yurub. Intii ka dambeysay 1991dii Soomaalidu ma aysan laheyn nidaam-dowladeed oo dhexe ayada oo ay u sabab tahay dagaaladii sokeeye ee xilligaas bilowday. Tusmadan hoose waxaa laga arki karaa dhererka xuduudaha uu dalka Soomaaliya la wadaago dalalka deriska la ah.
Itoobiya 1 645 km Kiinya 682 km Jabuuti 61 km Qaabka-Dhulka & Cimilada
Joqoraafi ahaan, dalka Soomaaliya waa dal dhinaca Gobolada Wuqooyi ka ah dhul buuraley ah oo isku bebedela sinaanta aragtida siman ee laga tixraaco badda 900 illaa 2100 m. Dhinaca wuqooyi bari waa dhul qalalan wuxuuna gaarayaa aragtidaasi siman inka badan 2000 m. Dhinaca koonfurta iyo galbeedka illaa laga soo gaaro Webiga Shabeelle dhulku wuu siman yahay, wuxuuna u dhexeeyaa 200 illaa 500 m. Gobolada u dhexeeya labada webi (Jubba iyo Shabeelle) waa dhul hoose oo dhul beeraley ah, dhinaca kale koonfur galbeed illaa laga soo gaaro xuduudda Kiinya waa dhul daaq leh. Dhulka Soomaaliya waxaa 14% daboola keymo, inkastoo 4% oo kaliya ay tahay keymo jiq ah. Dhulku intiisa badan waa dhulka loo yaqaanno savanna oo geed gaabka ah. Dhulka Soomaalida ee daaqa ku habboon waa 45% guud ahaan dhulka dalka uu ku fadhiyo, 13% waa dhul ku habboon beerashada.
Soomaaliya waxaa mara xariiqda loo yaqaanno dhul-baraha. Dalka waxa uu leeyahay laba webi oo dhaadheer oo kala ah Webiga Jubba (1200 km) iyo Webiga Shabeelle (1700 km). Dalka Soomaaliya wuxuu leeyahay laba xeebood oo kula yaala Badweynta Hindiya (2170 km) iyo Badda Cas (1040 km), xeebahaasi wadar ahaan waxay gaarayaan dherer dhan 3210 km. Cirifta dalka ugu dheer waa buurta Daalo ee ku taalo meel u dhaw magaalada Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qiyaasay 2408 m.
Dhinaca cimilada, maaddaama ay xariiqda dhulka kala barta ay Soomaaliya marto, waxaa markaasi muuqata in dhulka Soomaaliya ka mid yahay waddamada kulkulul. Isbedelka heer-kulku aad ayuu u yar yahay. Isku-celcelis ahaan, heerkulka sanadkii oo dhan waxaa lagu qiyaasay 27oC. Ayada oo ay meelaha ugu kulul uguna qalalan ay ka mid tahay dhulka xiga dhinaca Gacanka Cadan ee Badda Cas, meelaha ugu qabowna ay ka mid tahay dhula xiga dhinaca Badweynta Hindiya. Meelaha ugu kulul heerkulku wuxuu gaaraa 42oC.
Roobabka dalkeenna oo aad u yar aadna isku bebedela waxay kala da’aan labada xilli ee Gu’ga iyo Deynta oo inta badan ku kala aaddan bilaha Abriil-Maajo iyo bilaha Oktoobar-Nofember. Tirada roobka ka da’a dalkeenna waxaa lagu qiyaasay 250 mm sanadkii. Sawirka 6 waxaa laga arki karaa tirada roobka ee dalka Soomaaliaya, ayada oo Tusmada ka hooseysa Sawirka ay muujineyso tirada roobka iyo uumibaxa ee dhowr magaalo ee Soomaaliya ka mid. Waxaana halkaasi laga garan karaa in uumibaxu si aad ah uga badan yahay tirada roob ee sanadkii da’a, kuleylka dartii. Labada waxyaabood ee ka muuqda dabeecadda dalka Soomaaliya waa abaarta iyo fatahaadda webiyada oo labaduba ah arrin la xiriirta biyaha. In ay aad u badan tahay oo ay aad u sareyso soo noqnoqoshada abaarta ee dhulka Soomaaliya waxaad si cad u muujinaaya Sawirka hoose ee tusinaaya soo noqnoqoshada abaarta qaaradda Afrika. Waxaana la qiyaasay in 50 kii sanaba ay 17 jeer oo ka mid ah ay dalkeennu abaaro isbada-joog ay ku dhacaan, taasi waxay micnaheedu tahay in eysan Soomaalidu abaar moogaanin saddex sano oo isku xigta. Sidoo kale fatahaadyada waxay qiyaas ahaan dhacaan 15-20kii sanaba mar sida 1964, 1982, 1997. Abaaraha iyo fatahaaduba waxay keenaan dhibaatooyin gaajo iyo macluul iyo weliba cudurro.
Dadka & Degaanka
Ayada oo beryhiii dambe ay yaraadeen roobka, ayaa haddana qaleylka cimilada dalka, jaridda xad-dhaafka ah ee dhirta iyo xaalufinta dhulka waxay dhaliyeen in keymuhu yaraadaan dhulkalama-degaanka ahna uu bato. Jaridda cowskuna wuxuu dhalinyaa in uu soo durko bacaadka dhinaca xeebta ka yimaada. Bacaadkaas oo dhibaato ku heyn kara dhul-beereedka faa’idada badan u leh dalka.
Waxaa beryahan dambe soo if baxay in degaanka dalka, gaar ahaan badda, uu noqdo meel lagu aaso qashinka sunta ah ee warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka. Tusmada hoose waxay ku saabsan tahay tirada dadka Soomaaliya sanaddadii 1950kii, 1955tii, 1990kii, 1995tii iyo qiyaas lagu sameeyey inta ay la ekaan doonto tiradaasi sanadka marka uu yahay 2025ta, qiyaastaasi waxay ku saleysan tahay tirada dadka ee sanaddadii ka horeeyey. Waxaa halkaas laga arki karaa in tirada dadka soomaaliyeed ay labalaabmi doonto muddo dhowr iyo labaatan sano gudohooda ah.
Tirada Dadka soomaalida ee Sanaddadii 1950kii, 1955tii, 1990kii, 1995tii iyo 2025ta
Sanad 1950 1955 1990 1995 2025(Qiyaas)Tirada Dadka 3 072 000 3 401 000 8 677 000 9 491 000 23 401 000Qeyb weyn oo ka mid ah dadka soomaalid awaxay weli ku nool yihiin miyiga, ayada oo laga qiyaasay in 74% dadka soomaalidu ay yihiin kuwa ku nool miyiga. Xadka kororka dadka ee dalkeennu waa 3 % oo runtii loo arko in ay tahay xad aad u sarreeya, balse waxaa badan tirada dad ee ku soo aadeyso halkii kiiloomitir oo labajibaaran.
Dhul-Beereedka
Dhulka dalka Soomaaliya ee ku habboon beerashada waxaa sanadii 1985tii lagu qiyaasay dhul ay baaxadiisu gaareyso 8 milyan oo hektar, kaas oo u dhigma 13% bedka dalka oo idil. Balse sababo badan aawadood dhulkaasi ma noqonin mid la beerto oo laga faa’ideysto. Sanadkii 1984tii waxay soomaalidu beeratay hal miyan oo ka mid ah dhulkaasi beerashada ku habboon oo u dhigma 12% dhulka beerashada ku habboon. Taasi waxaa ka sii daran in tirada dhul ee sanad walba sida joogtada ah loo beerto ay tahay mid kuwaasi aad uga sii yar oo lagu qiyaasay 18 000 oo hektar oo kaliya. Dhulkaasi oo intiisa badan ku yaala koonfurta dalka waa dhulka u dhaw labada webi amaba u dhexeeya labada webi.
KHEYRAADKA BIYAHA SOOMAALIYA
Tirada iyo Isticmaalka Biyaha DalkeennaHelitaanka biyaha ee dalalka ku yaala meelaha qalalan amaba kulul (arid or semi-arid areas) waa kuwa aad u xaddidan. Soomaaliyana waxay ka mid tahay waddamada ku yaala dhulkaas oo faqri ka ah biyaha. Qiyaas lagu sameeyey biyaha dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeysaa in tirada biyaha dalkeennu dhan yahay illaa iyo 13.5 bilyan oo mitirkubo (13.5x109 m3) sanadkii, ayada oo ay sii yaraaaneyso sanad walba sababo badan owgeed. Nasiib-darro, qeyb weyn (56%) oo ka mid ah biyaha dalkeennu waa kuwa ka yimaado dalka Itoobiya, taasi waxay macnaheedu tahay in biyaha dalkeennu ay la egyihiin 6 bilyan oo mitirkubo oo kaliya, waana runtii tiro aad u yar. Sidaasi daraadeed, dhinaca biyo helidda Soomaaliya waxay aad ugu xiran tahay dhulka Itoobiya.
Hawada dhulka soomaalida intiisa badan waa qaleyl (arid/semi-arid zone). Goboladu wey kala roobab badan yihiin. Sida laga arki karo Sawirka bogga dambe, waxaa ugu roobab badan dhulka ku yaala koonfur-galbeed ee u dhexeeya labada Webi oo ay ka da’aan roobab gaaraya ugu badnaan 700 mm sanadkii, inkastoo inta badan uu ka da’a 500 mm. Dhulka Soomaalida intiisa badan waxaa ka da’a roob aad u yar oo tiradiisa lagu qiyaas karo in uu ka yar yahay xitaa 200mm. Dhulka buuraleyda ah ee ku yaala wuqooyiga magaalada Ceerigaabo ayaa muuqata in ay ka da’aan roobab tira badan oo lagu qiyaasay illaa iyo 700mm, waxaana la oran karaa waa barta ugu roobka badan dhulka ku yaala Wuqooyiga dalka, ayada oo ay ugu wacan tahay buuraha dhulkaasi ku yaala oo ka sareeya badda 2400 m. Sidoo kale agagaarka magaalada Boorame iyo weliba Hargeysa ayaa leh roobab ka tiro badan kuwa ka da’a Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya, oo ah dhul aad u qalalan oo roobab yar. Balse, isku-celcelis ahaan roobabka ka da’a sanadkii Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay 250 mm, oo ah tiro aad u yar. Roobabka dalka Soomaaliya waxay da’aan labada xilli ee loo kala yaqaanno Gu’
(bilaha Abriil illaa Juun) iyo Deyr (bilaha Oktoobar illaa Desember).Tirada Roobka iyo Uumibaxa ee dhowr Magaalo.
Magaalada Tirada Roobka
ee Sanadkii (mm) Uumibaxa Biyaha
ee Sanadkii (mm)Hargeysa 423 2000Burco 211 2250Boosaaso 14
2700Gaalkacyo 148 2090Beled Weyne 266 2030Muqdisho 518 1818Baydhabo 535 1800Kismaayo 379 2000Ayadoo ay tirada roobka dalkeennu aad u yar yahay ayaa haddana in ka badan 95% ay biyaha roobka ee ka da’a dalkeennu dib ugu noqdaan/uumi-baxaan hawada kuleylka dartiis (evaporation). Isku-celcelis ahaan, dalka oo idil uumi-baxu waxaa lagu qiyaasay 2000 mm sanadkii, ayada oo ay meelaha qaar (sida Berbera, Luuq i.w.m.) ay uumibaxoodu gaarayo in ka badan 2750 mm sanadkii. Meeluba meesha ay ka roob yar tahay weyka uumi-bax badan tahay. Waxaa ugu uumibax yar dhulka buuraleyda ah ee ku yaala magaalada Ceerigaabo (1250mm), ayada oo ay ugu wacan tahay roobka badan ee ka da’a.
Roobabka ka da’a Soomaaliya isku-celcelis ahaan sanadkii
Inkasta oo ay jiraan togag fara badan oo yaryar oo ka soo daadaga dhulka buuraha isbada-taxan ee Wuqooyiga Soomaaliya kuna soo hoobta Dooxada Nugaal iyo Dhul-xeebeedka, haddana ma aha togagaasi kuwa isdaba-taxan oo dhalin kara in ay sameeyaan socod iyo hab biyo oo joogto, ayada oo ay ugu waca tahay dhismaha qaabka dhulka iyo tirada roobka oo aad u yar (160mm).
Dalka Soomaaliya waa dhul ay abaaruhu aad ugu dhacaan. Abaaraha dalka ku habsaday waxaa ugu darnaa kuwii dhacay sanadihii 1974, 1984 iyo abaartii ugu darneyn ee dhacday 1992, gaar ahaan gobolka Baay oo ay markaasi isugu darsoomeen dagaal-sokeeye, nabadgelyo-daro iyo abaarta. Xilligaasi kadib (1992) waxaa dhulka Soomaalida ka dhacay abaaro aan isku xigxig balse ka xaddi yaraa kii 1992. Biyo-dhuleedka dalka Soomaaliya aad ayey u yar yihiin, inkastoo ay biyo-dhulaadkaasi yihiin isha-biyo ee kaliya oo ay isticmaalaan dadka soomaaliyeed (miyi iyo magaalaba), dadkaas oo baahi badan u qaba biyaha macaan. Dadka ku nool miyiga waxay inta badan biyo ka soo dhaansadaan dhul aad uga fog meelaha ay degan yihiin.
Soomaaliya inta badan waxay aad u isticmaashaa biyaha ku jira dhulka oo ceelasha lagala soo baxo. Guud ahaan dunida, biyaha ku jira dhulka (groundwater) way ka nadiifsan yihiin kana tira badan yihiin biyaha dusha socda (surface water), balse waxaa adag sidii biyahaas loola soo bixi lahaa, haddii aysan jirin awood dhaqaale iyo mid farsamo oo ku filan arrintaas. Dalkeenna biyaha dhulka ku jira aad ayey u yar yihiin marka lala barbar dhigo biyaha dusha socda ee ay webiyadu wadaan. Warbixinta laga hayo dalkeenna sanadkii 1987dii ayaa waxay sheegeysaa in ay soomaalidu ka isticmaalaan 7% oo kaliya biyaha dalkooda. Biyaha la isticmaalo waxay 97% yihiin kuwa loo isticmaalo dhinaca beeraha (agricultural use) ayada oo 3% loo isticmaalo magaalooyinka (domestic use). Tiradani waxay si cad u muujineysaa in ay soomaalidu ka ooman yihiin biyahooda kana baahan yihiin. Dhul-beereedka Dalka waxaa lagu qiyaasay, sanadkii 1985tii, 8 milyan oo hektar oo u dhiganta 13% bedka dalka. 980 000 oo hektar (oo u dhiganta 12% oo kaliya oo ka mid ah siddeedda milyan oo hektar) ayey soomaalidu beerataa.
Biyaha laga cabo magaalooyinka Soomaaliya waa kuwo laga soo dhaamiyo ceelasha halkaas ku
yaala. Arrinta walwalka keentay ayaa waxay tahay haddaba sidan: ceelashaas oo ku dhexyaala
xaafadaha waxaa aad u wasaqeyn kara/amaba wasaqeeyey musqulaha ku wareegsan, musqulahaas oo sii deynaaya biyaha-wasaqda ah (wastewater) oo sida jeermis (bacteria) iyo kiimikooyin kala duwan oo u baahannaan lahaa in laga nadiifiyo, iyo weliba qashinka guryaha oo lagu duugo xaafadaha dhexdooda, qashinkaas oo markii uu roobku da’o ku milmaya dhulka markaasna wasaqeynaya biyihii dhulka ku jiray oo ay magaaladu cabeysay. Arrintani waxa ay walwal ku heysaa caafimaadka dadka degan magaalooyinka Soomaaliya oo idil. Tusaale ahaan, Muqdisho ma aha oo kaliya magaalo siyaasad ahaan kala qeybsan (politically divided), balse waa magaalo xitaa degaan ahaan wasaqeysan (environmentally polluted), ayada oo ay magaalooyinka kalena la mid yihiin. Cuduro badan ayaa laga qaadaa biyaha laga cabo ceelashaas ku ag yaala musqulaha iyo qashin-qubyada. Cuduradaasi waxaa ka mid ah daacuunka iyo kuwa kale.Ceelasha maanta ku yaala magaalada Muqdisho waxaa tiradooda lagu sheegay in ay kor u dhaafeen 650 ceel oo isugu jira kuwo gacanta lagu qoday oo afweyn iyo kuwo mashiin lagu dalooliyey oo afyar. Waxay kaloo isugu jiraan kuwa bambooyinka biyaha iyo matooro loo isticmaalo iyo kuwo gacanta lagu soo dhaansado. Ayada oo ay maalin walbo wadar ahaan ceelashaasi laga dhaansado biyo tiradoodu lagu qiyaasay 45 000 oo fuunsto, oo u dhiganta 9 000 oo m3. Halkii dameer oo qaadaa hal fuusto oo biyo ah oo la mid ah 200 liitar oo biyo ah. Tirada dameero ee maalin walba ka shaqo gasho ceelashaas waxaa lagu qiyaasay 4 000 oo dameer. Biyahaas faraha badan ee maalin walba laga soo dhurto dhulka waxay dhaliyeen in ay hoos u dhacdo heerka biyaha ee dhulka hoostiisa waxayna natiijadu noqotay in markaasi ay biyaha badda ee cusbada wata ay soo galaan ceelashaas intooda badan, waana arrin qatar ah oo waxyeelo caafimaad leh. Tusmadan hoose waxaa laga arki karaa tirada ceelasha ee degmooyinka Gobolka Banaadir oo dhan iyo weliba inta fuusto ee maalin walba ka baxda.
Degmada Tirada
Ceelasha Tirada Fuustooyin
ee maalin walbaDegmada Tirada
Ceelasha Tirada Fuustooyin
ee maalin walbaKaaraan 146 7 828Yaaqshiid 41 6 747C/Casiis 138 0Huurwaay 24 2 904Shangaani 14 0Wardhiigley 24 7 290Shibis 19 1 635H/Wadaag 23 7 110Boondheere 16 771Hodan 20 4 094X-Weyne 35 0Dayniile 9 980X-Jajab 64 235Wadjir 37 4 283Waaberi 21 226Dankenley 20 980WADAR 453 10 149WADAR 198 34 388Source: International Committee of the Red Cross (1997)
80% cudurada ku dhaca dadka dunida oo dhan waa kuwa ka dhasha isticmaalka biyaha aan nadiifka aheyn oo wasaqeysan, ayada oo weliba arrintani ay u badan tahay dalalka soo koraya amaba loo yaqaanno dunida saddexaad. 5 illaa 7 milyan oo qof ayaa sanadkii walbaba u dhimata cudurada laga qaado biyaha wasaqeysan. Arrinta kale oo murugada leh ayaa waxa ay tahay in saddex meelood laba meel dhimashada dadka dunida saddexaad ku nool ay sabab u tahay isticmaalka biyaha aan nadiifka aheyn iyo helitaan la’aanta biyo ku filan (enough quantity) oo tayo fiican leh (good quality), kuwaas oo ka kaafiya dhinacyada nadaafadda iyo nolosha guud.
Wargeyska METRO ee ka soo baxa magaalada Stockholm wuxuu qoray (1998) in dad tiradoodu
gaareyso hal milyan oo ku nool dalka Tansaaniya ay aragga indhaha beeli doonaan muddo 20 illaa iyo 40 sano kadib, ayada oo ay qaarkalena (8 milyan) arrintaasi halis u yihiin. Sababta arrintani waa ayaga oo isticmaala biyo wasaqeysan. Waxaa la qiyaasay in dad tiradoodu ay dhan tahay 1.4 bilyan oo qof aysan maanta dunida ku heysanin biyo nadiif ah oo ay cabbaan.Ceel ku yaala Soomaaliya oo hoos loo sii qodaayo, biyihiisa oo hoos
u dhacay/gursaday darteed. (sawir-qaade Mike Yamashita/Woodfin Camp.)Webiyada Soomaaliya “Jubba & Shabeelle”
Webiyada Jubba iyo Shabeelle waxay ka soo bilowdaan buuraha dalka Itoobiya, halkaas oo ay weliba ka helaan biyaha ay wadaan intooda ugu badan. Biyo-qabatinka Webiga Shabeelle waxa uu la egyahay dhul-baaxadiisa lagu qiyaasay 307 000 km2, halka Webiga Jubba uula egyahay 233 000 km2. Dhul ahaan waxay webiyadan biyo ka helaan dhul-qabatin baaxaddiisu dhan tahay 540 000 km2, dhulkaas oo ku kala yaala Itoobiya (65%), Soomaaliya (33%) iyo Kiinya (2%).
Labada webi waxaa biyo badan webiga Jubba laakiinse waxaa dherer ahaan dheer webiga Shabeelle oo dhererkiisu lagu qiyaasay fogaan la eg 1200 km (fiiri Sawirka bogga dambe). Labada Webi, oo ku yaala koonfurta dalka, waxay soo dhexmaraan dhulka Soomaali-Galbeed. Webiga Jubba waxa uu ku darmaa Badweynta Hindiya, meel u dhaw magaalada Kismaayo. Halka Webiga Shabeelle ee ku baaba’o dhulka inta uu san badda gaarin.
Dhererka webiga Shabeelle ee dhulka Soomaaliya wuxuu gaarayaa 630 km. Socodka biyaha Shabeelle, oo aad iyo aad u yar, waa mid aad isku bebedela isaga oo socodka biyihiisu ay xilliyada qaleylka ah gaarayaan 10 m3/s (toban kun oo liitar daqiiqaddii), ayada oo ay mararka qaarkood ay dhacdo in uu webigu qalalo. Xilliyada roobka fiican lehna ay gaarayaan 270 m3/s, ayada oo cabbirkani uu yahay mid laga tixraacaya marka uu webigu marayo magaalada Beledweyne oo ah meesha ugu muhiimsan ee socodka biyaha webiga Shabeelle laga ogaan karo marka uu soo galayo dalka Soomaaliya, magaaladaasi waxay xuduudda u jirtaa dherer lagu qiyaasay 30 km. Isku-celcelis ahaan, socodka biyaha Webiga Shabeele waxaa lagu qiyaasay 75 m3/s. Balse waxaa xusid mudan in labada webi aysan biyo badan ka helin dhulka Soomaalida, ayada oo weliba aanan horumar ballaaran lagu sameynin dhulka ay biyahaasi ka soo bilowdaan ee Itoobiya. Xilliyada ay biyaha webiga Shabeelle aadka u badan yihiin waa bilaha Abriil iyo Maajo, iyo bilaha Oktoobar illaa December. Biyaha webiga Shabeelle waxay wadaan carro ka badan kuwa webiga Jubba, oo socodka biyihiisu ay ku soo labalaabmaan kuwa webiga Shabeelle.
Tusmooyinka ku yaala bogga dambe waxay si qayaxan u tusinayaan socodka biyaha labada Webi ayada la tixraacayo marka ay kala marayaan magaalooyinka Beled-Weyne iyo Luuq. Waxayna ku saleysan yihiin tirokoobyo lagu sameeyey dhinaca socodka byaha labada webi ee intii u dhexeeyey sanadihii 1951 illaa iyo 1989.
Dalka Soomaaliya iyo Webiyada Jubba iyo Shabeelle.
Dhererka webiga Jubba oo guud ahaan gaaraya 800 km, wuxuu dhererka webigaasi ee dhulka soomaalida la eg yahay 580 km. Socodka biyaha webiga Jubba waxaa lagu qiyaasaa inta u dhexeysa 800 m3/s illaa iyo 10 m3/s, iyada oo uu aad u badan yahay is-bebedelka socodkiisa. Meelaha ugu muhiimsan ee laga cabiri jiray socodka biyaha webiga Jubba waxaa ka mid ah magaalada Luuq Ganaane. Isku-celcelis ahaan, socodka Webiga Juba ee sanadkii waa 203 m3/s.
Isku-celceliska Socodka Biyaha Webiga Shabeelle ee Magaalada Beled-Weyne (1951-1989).
Bilaha Isku-celceliska socodka m3/s Isku-celceliska socodka Milyan m3 Markuu ugu biyo
badan yahay m3/s Markuu ugu biyo yar yahay m3/sJanaayo Febraayo Maarso
Abriil
Maajo
Juun
Luulyo
Agoosto Sebtembar Oktoobar Novembar Desembar 13.0
12.0
25.1
76.3
133.0
74.0
49.6
104.0
151.0
136.0
87.9
40.9 35
29
67
198
356
194
133
279
391
364
228
110 46
62
123
347
318
307
106
167
317
297
274
259 2
0
0
7
32
10
13
23
64
50
17
6SANADKII 75.6 2 384 190 33Isku-celceliska Socodka Biyaha Webiga Jubba ee Magaalada Luuq (1951-1989).
Bilaha Isku-celceliska socodka m3/s Isku-celceliska socodka Milyan m3 Markuu ugu biyo
badan yahay m3/sMarkuu ugu biyo yar
yahay m3/sJanaayo
Febraayo
Maarso
Abriil
Maajo
Juun
Luulyo
Agoosto
Sebtembar
Oktoobar
Novembar DesembarSANADKII 49.934.640.2163.0279.0183.0203.0279.0292.0448.0327.0129.0 133831074227474745447477571 200847345 140972017945985503534904917691 069453 9331163329312213017910333
Sanadkii 203.0 6 406 332 82Tusmooyinkan hoose waxaa laga garan karaa in socodka biyaha ee labad webi ay aad isku dhimaan
marka ay dhexmarayan dhulka Soomaalidu u taliso, taasina mid ay sababtay qodobo badan oo ay ka
mis yihiin uumi-baxa faraha badan iyo roob yarida dhulka soomaalida.Socodka Biyaha Webiga Shabeelle ee Dalka Soomaaliya.
Magaalada Aragtida Siman (m) Socodka (m3/s) Milyan m3
Beledweyne 176 m 75.6 2 384
Buulo Burto 133 m 70.9 2 236
Mahadday-Weyn 105 m 67.0 2 113
Balcad 95 m 51.8 1 634
Afgooye 77 m 49.1 1 548
Owdheegle 70 m 46.0 1 451
Socodka Biyaha Webiga Jubba ee Dalka Soomaaliya.
Magaalada Aragtida Siman (m) Socodka (m3/s) Milyan m3
Luuq 141 m 203 6 406
Baardheere 89 m 176 5 550
Jamaame 50 m 169 5 330Faa’idooyin fara badan ayey biyaha webiyadaas ka imaanaya dalka Itoobiya u leeyihiin Soomaaliya, waayo roobka ka da’aa Itoobiya wuu ka badan yahay ka Soomaaliya ka da’a. Faa’idooyinkooda ka sokoow, biyahaasi waxay sababaan qasaarooyin fara badan xilliyada fatahaadda. Qasaarooyinkaas oo ah kuwa aad u daran waxay naafo u geystaan degmooyinka u dhow webiyada, dhul-beereedyada, degaanka, xoolaha, xawayaanka duur joogtada ah, iyo weliba dadka, iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka. Fatahaadyadii ugu darnaa waxay dheceen sanaddaddii 1964, 1982 iyo 1997, ayada oo kii ugu dambeeyey (1997) uu ahaa kii ugu qasaaraha badnaa sababo badan awgood. Fatahaadyada ka dhasha biyaha ka yimaada Itoobiya waa qasaarooyinka dabiiciga ah ee ku dhaca dalka Soomaaliya midka ugu daran. Faa´idada kaliya ee ay fatahaad-yadu leeyihiin waxaa ka mid ah in ay kor u soo qaadaan biyaha dhulka ku jira (groundwater table) oo ay tiradoodu badato, ayada oo ay soomaalida intooda badan isticmaalaan biyo-dhuleedkaas ceelasha laga cabo. Labada musiibo ee dabiiciga ah ee dalkeenna ku dhaca (iyo meela kale oo dunida ka mid ahba) oo kala abaarta (drought) iyo fatahaadda (flood) waxay labaduba la xiriiraan biyaha oo midna waa biyo-la’aan (abaarta) midka kalena waa biyo-badni (fatahaadda).
Webiyada Jubba iyo Shabeelle waxaa kala maamuli jiray, dowladdii hore ee Soomaaliya, laba hey’adood oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa Wasaaradda Beeraha oo maamuli jirtay Webiga Sahbeelle iyo Wasaaradda Horumarinta Dooxada Jubba (oo berigii dambe lagu daray Wasaaradda Qorsheyta Qaran) oo maamuli jirtay Webiga Jubba iyo Horumarintiisa, ayada oo ay weliba jirtay Wasaaradda Macadanta iyo Kheyraadka Biyaha iyo Wakaaladdeeda Horumarinta Kheyraadaka Biyaha, oo iyaguna sidoo kale qaabilsanaa arrimada biyaha ee dalka. Waxaa halkan ka muuqata kala firarsanaan dhinaca maamulka kheyraadka biyaha ee dalka. Waa in biyuhu ay yeeshaan Wasaarad keliya oo iyaga u gaar ah.
Dhinaca horumarinta kheyraadka biyaha webiyada dalka Soomaaliya, wax biyo-xireen ah lagama
dhisin labada webiba. Webiga Shabeelle waxaa laga dhisay biyo-keydiye (storage facility) muggiisu la eg yahay 200 milyan oo m3, meel u dhow magaalada Jowhar, iyo kanaal (diversion) ay Shiinuhu dhiseen oo loogu talagalay in biyaha lagu leexiyo xilliyada uu webigu wado biyo fara badan. Waxaa biyo-keydiye kale laga dhisay meel u dhow magaalada Balcad. Mashruucii Faanoole ayaa isna ka mid ah mashaariicda horumarineed ee kheyraadka biyaha dalka. Balse, horumarkii ugu weynaa ee ay soomaalidu ku sameyn lahaayeen kheyraadka biyaha webiyadooda, waxaa ugu caansan mashruucii Biyo-xireenka Baardheere (Bardere Dam Project), biyo-xireenkaas oo laga dhisi lahaa webiga Jubba meel u dhaw magaalada Baardheere, wuxuu ahaa mashruuc ujeeddo-badan ah (multi-purpose development project). Mashruucaas oo faa’idooyin badan u lahaan lahaa soomaalida waxaa lagama maarmaan aheyd in ogolaasho buuxa oo cad laga helo dalka Itoobiya maaddaama ay biyaha webigaasi intiisa badan ay ka yimaadaan dalkaas deriska nala ah, ogolaashahaas wuxuu saaamixi karaa in la hindiso biyo-xireen baadax weyn. Mashruucaas Biyo-xireenka ah oo ay mas’uul ka aheyd Wasaaraddii Horumarinta Dooxada Jubba (Ministry of Jubba Valley Development), ujeeddooyinka iyo faa’idooyinkiisa waxaa ugu waaweynaa: (1) hakinta iyo yareynta fatahaadyada webiga si socodka biyaha webiga loo xukumo; (2) ka dhalinta socodka biyaha quwad koronto; (3) biyo u helidda waraabka dhul-beereedka si loo soo saaro cunto badan oo ka soo go’da beeraha; (4) guud ahaan biyihii la cabi lahaa; (5) dalxiis iyo kalluumeysi; iyo (6) weliba in mashruucu abuuro fursado shaqo oo fara badan. Dhul-beereedka markii hore lagu talo galay in uu biyo-xireenku waraab u helo ayaa lagu qiyaasay 170 000 oo hektar oo dhul, balse waxaa qasab noqotay in tiradaasi aad loo yareeyo oo la gaarsiiyo 50 000 oo hektar, ayada oo ay ugu wacan tahay in biyaha Webiga Jubba uu yahay biyo caalami ah oo ay
Soomaalidu la wdaagto Itoobiya, markaasna loo baahan yahay in Itoobiya lala wadaago.Meelaha kale ee dhulka Soomaaliya oo lagu sameyn karo horumar dhinaca kheyraadka biyaha ah
waxaa ka mid ah dhulka ku yaala wuqooyiga dalka gaar ahaan dhulka buuraleyda ah oo leh roobab la keydin karo biyahooda, iyada oo la isticmaalayo farsamooyin ku haboon.Tusmada hoose waa tusmo tiro-koob ah oo tusineysacuntada ay dadka soomaalida ah isticmaali jireen kow iyo tobankii sano ee udhaxeysay 1983 iyo 1993 iyo sida ay isku-bebedeleysay sanad walba. Waxaa halkaasi ka muuqata in dagaalada sokeeye ee dalkeennu ka hor ay cuntada dalka gudihiisa laga soo saaro ka badnaan jireen kuwa macaawinada lagu keeno, iyo guud ahaan waxsoosaarka cuntada oo hoos u dhacay. Tusmadani ma tusineyso cuntada ganacsi ahaan dibedda looga soo iibsaday oo runtii qiyaas ahaan ahaan ah cunto aad u badan. Warbixin ay sii deysay Hey’adda Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa ku sheegtay in waxsoosaarka cuntada ee gudaha dalka Soomaaliya uu aad hoos ugu dhacay, gaar ahaan dhowrkii sano ee ugu dambeeyey, ayada oo ay u sabab tahay khilaafyada hubeysan, abaaro iyo fatahaadyo wax baabi’iyey.
Cuntada laga soo saaray dalka Soomaaliya iyo midda macaawinada (1983-1993).
In guud ahaan dadka soomaaliyeed oo dhan loo helo cunto ku filan oo dhulkooda ka soo baxo, waa mid marka hore u baahan in soomaalidu xal waaro u hesho khilaafka dhexdooda, markaas ka dibna u baahan in dhaqaale iyo aqoonyahanno iyo weliba hey’ado-maamuleed oo hufan loo helo. Arrimahani waa kuwo u muuqda in ay adag yihiin in la helo, haddii la eego xaaladda maanta jirta.
Khilaafka Lama-dhaafaanka ah
Ayada oo la tixraacayo waxbixinnada la xiriira labada Webi (Jubba & Shabeelle) ee muhiimka u ah dadka iyo dalka Soomaaliya, lana eegayo tirada dadka ee sii kordheysa sanad walba iyo baahida loo qabo biyaha labada webi oo sii kordhaaya si loo soo saaro cuntadii la cuni lahaa iyo middii suuqyada ganacsiga la geysan lahaa si lacago adag loo helo, iyo biyihii xoolaha iyo dadka lagu haqabtiri lahaa ayaa waxaa mudan in la indha-indheeyo arrimaha ka soo bixi kara mustaqbalka arrintaas ayada oo aanan la buunbuunineynin balse la eegaayo xaqiiqda dhici karta iyo caaqiibada ay lahaan karto xasiloonida dhinacyada nolosha iyo nabadgelyada. Waxaa haddaba muuqata in mustaqbalka fog ee Gobolka Geeska Afrika uu yahay mid u sii muuqda in uu giigsanaan doono, una gudbi doono marxaladda middaas ka sii adag.
Dalka Itoobiya oo qaatay siyaasadda qaran ee isku-filnaanshaha dhinaca cuntada si markaasi shacabka dalkaasi looga haqabtiro cunto ka soo go’da dalkooda ayaa u baahnaan doona in ay aad u kordhiyaan isticmaalka biyaha dalkooda. Arrintaasi waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa biyaha webiyada ee dalkaas oo ah kuwa ay intooda badan la wadaagaan dalalka deriska la ah iyo kuwo kaleba. Haddaba khilaafyada lama-dhaafaanka u muuqda ee mustaqbalka fog ka dhalan kara Webiyada Jubba iyo Shabeelle waa kuwa qarsoon, balse mar qura soo burqan kara. Waxaa kaloo iyadana xusid mudan in kooxaha siyaasadeed ee maanta ka jira dalka Soomaaliya ay xiriiro dabacsan iyo kuwa giigsanba la leeyihiin dalkaasi deriska ah ee Itoobiya.
Qorshooyinkii Itoobiya ee dhamaadkii 1970 nadii oo ku wajahnnaa dhinacyada isticmaalka biyaha ee dhulbeereedka ku yaala meesha uu ka soo bilowdo Webiga Shabeelle ayaa waxay walwal geliyeen dalka Soomaaliya, maaddaama ay qorshooyinkaasi yareynayaan tirada biyo ee soo gaari kara Soomaaliya. Dalka Itoobiya oo hadda dhaqaale iyo maamul ahaanba soo kabsanaaya waxa uu qorsheynayaa in ay badiyaan isticmaalka biyaha dalkooda, taas oo muujineysa in ay kordhiyaan isticmaalka biyaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle, gaar ahaan Webiga Shabeelle.
Mustaqbalka fog ayaa u muuqda in khilaaf ka dhasha labadan webi uu yahay mid lama-dhaafaan ah. Taasina waxaa u sabab ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin: tira yarida biyaha labada webi, kororka tirada dadka, baahida biyo oo sii badaneysa, iyo far-gelinta dhinaca siyaasadeed ee labada dal iyo kuwa kale. Labadan webi oo aanan weligood yeelan maamul mideysan oo labada waddan ka dhexeeya, ayaa mustaqbalka dhaw ama midka fog waxaa laga yaabaa in arrintani noqoto lama huraan. Waxaa lagama maarmaan ah in dalka Soomaaliya (markii ay dowlad yeelato) iyo dalka Itoobiya ay yeeshaan wada-shaqeyn buuxda oo ku wajahan dhanka isticmaalka biyaha labada webi, si looga fogaado is-maandhaaf ku yimaada biyahaasi caalamiga ah, iyo sidii horumar buuxdo loogu sameyn lahaa labada webi.
Soomaaliya oo ku taala dhinaca hoose (downstream) ee webiyadaas, waxay beylah u tahay dalka Itoobiya ee ka xiga dhinaca kore ee webiyada. Talaabo kasta oo ay Itoobiyaanku ka qaadaan labada webi waxay saameyn adag ku yeelan doontaa dalka Soomaaliya. Tusaale ahaan abaaraha iyo fatahaadyada ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka ay laba webi ka soo bilowdaan oo ah halka ay webiyada ka helaan biyaha ay wadaan intooda badan, waa kuwa si adag looga dareemi karo dalka Soomaaliya.
Dhibaatada heysata labada webi iyo dadka ku noolba ma aha oo kaliya biyo yarida labada webi ee dhinaca cimilada iyo degaanka, ee waa kuwo ay ku jiraan arrimo kale oo ay ka mid yihiin; in aysan webiyadu laheyn maamul dhexe oo wacan; in aysan jirin dhaqaale kaafin kara horumarinta iyo daryeelka kheyraadka webiyada; in ay aad u yar yihiin aqoonyahannada tiro iyo tayo oo u dhashay dhulkaas oo aqoon sare iyo waayo-aragnimo leh i.w.m. Xaddiga dhibaato ee ku fool leh dadka ku nool labada webi waa kuwo baadax weyn, oo ay u muuqato kuwa ay adag tahay in mustaqbalka wax laga qabto.
Xalka Soomaaliya Waa Xal Biyo
Waxyaabaha ugu waaweyn ee saameynta iyo raadka ku leh hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed waa dabeecadda joqoraafi iyo cimiladeed (degaanka) ee uu leeyahay dhulka ay bulshadaasi noloshooda ka kasbadaan. Dhaqan ahaan, bulshada Soomaaliyeed waxay u kala qeybsamaan laba qeybood: kuwa degan oo beeraley ah iyo kuwa socoto ah oo xoolo dhaqato ah – geeley. Biyuhu waa qodobka kaliya ee sababta u ah kala-qeybsanaantan. Haddaba mar haddii dhulka Soomaalidu intiisa badani laheyn biyo joogto ah, (marka laga reebo dhulka u dhaw labada webi) kuma habboona beer-falasho, sidaasi daraadeed waxaa qasab ku noqotay in Soomaalidu intooda badani noqdaan xoolo-dhaqato weliba geeley u sii badan. Sidaasi daraadeed, colaadda iyo khilaafka dhexyaala bulshooyinka (beelaha) Soomaaliyeed ee meel wada degan waxaa, inta badan, sal iyo sabab u ah biyo la’aanta, ayada oo ay khilaafkaasi ka bilowdo ceelka ay biyaha ka cabaan, halkaas oo ay ka biyo-waraabaan reero kala beelo ah. Waxaa kaloo khilaafkaas iyo colaaddaas sabab u noqon kara, marka bulsho cusubi ka soo guurto meeshii ay deganaan jirtay oo laga yaabo in ay tahay dhul-oomane ah una soo guuraan dhul cusub oo biyo-ley ah si ay biyo iyo nolol ugu helaan naftooda iyo xoolahooda. Arrintani waxa ay sababtaa in colaad iyo khilaaf ka dhexdhasho labada bulsho ee meeshaas degan, tii hore iyo tan dambe.
Dagaalada iyo colaadda ka bilaabata ceelasha biyaha waa mid taariiqi ah illaa iyo haddana jira, ayada oo ay ka bilaaban karaan waraabinta xoolaha. Dagaaladaas oo ah kuwa hubeysan. Sababtuna waxa ay tahay in tirada ceelashu ay yar yihiin, hanaan nabadeed oo lagu wada cabaana aysan jirin. Biyo la’aanta ka jirta goobaha qaarkood waxa ay kaliftay in weeso-qaadka salaadda oo biyo u baahan loo arko arrin aan loo baahneyn, iyada oo la yiraahdo sidan:
“ Nin dukaday dul adagaa, biyo daadis badanaa, ma duunyaan ka ooneyn ”.
Oraahdani waxay si adag u muujineysaa in biyo u helidda xoolaha nool ay tahay arrin aan la dhayalsan karin oo wax walba ka muhiimsan. Meelaha oraahdan laga isticmaala waa dhulka Soomaaliyeed ee cimilada qalalan. Soomaalidu waxay u badan tahay xoolo-dhaqato iyo beeraley baahi badan u qaba helitaanka biyo tiro badan oo tayo fiican leh oo ay ku haqabtiraan noloshooda.
Ma aha wax la inkiri karo in kooxaha siyaasadeed ee maanta ku loolamaya dalka Soomaaliya ay siyaasadahooda qaar ka mid ah ku saleysan yihiin hanashada dhulka biyaha leh ee labada webi. Arrintani waxaa marqaati cad u ah dagaalada dabada dheeraaday ee dhulkaasi ka socda, ayada oo ay dhulalka kale intooda badan ay degan yihiin. Dhulalkaasi u dhexeeya labada webi oo weliba leh dhul-beereedyo wax soosaarkooda la kordhin karo iyada oo aanan loo isticmaalin bacrimin tiro badan. Roobabka ka da’a goboladaasi (fiiri Sawir 6) waa kuwa ugu badan. Dhul-beereedkaasi wuxuu cunto u helikaraan dadka soomaaliyeed oo dhan. Sawirka 8 waxaa laga arki karaa dhulka soomaaliyeed ee beerashada ku habboon.
Haddaba, sidii xal waara oo nabadeed (long-lasting peaceful solution) loogu heli lahaa khilaafka iyo colaadda joogtada ah ee bulshooyinkaas meel wada degan oo hal ceel wada caba, iyo bulshooyinka ka soo guuraya dhulkooda, waa arrin aan damacsanahay in aan waxka qoro mustaqbalka, ayada oo loo baahan yahay; in loo helo ceelal biyo oo fara badan si ay bulsho walbo u hesho ceel u gooni noqon kara, in cilmi-baaris lagu sameeyo biyaha ku jira dhulka iyo sidii loola soo bixi lahaa, iyo in isticmaalkaa biyaha labada webi loo dejiyo hanaan maamul iyo mid siyaasadeed oo hufan. Si loola soo baxo biyaha ku jira dhulka, waxaa laga faa’ideysan karaa quwadda korontada ee qoraxda, oo ah il-tamareed oo weligeed jiri karta degaankana waxba u dhimeynin (sustainable & environmentally-sound energy source).
Biyaha Ceelasha waa arrin qiimo aad u weyn u leh bulshada gaar ahaan reer miyiga oo xilliyadii hore ee dowladdii shacabka (1960-1969) codkooda siin jiray qofkii ceel u qoda ama u balan qaada. Waxaa halkan laga garan karaa in ceel-u-qodiddu bulshada ay aheyd arrin ama su’aal doorasho.
TIXRAAC
Qur’aanka Kariimka ah.
A Directory of African Wetlands. 1992. IUCN, the World Conservation Union.
FAO. 1995. Water Resources of Africa Countries: A Riview. Rome.
FAO. 1989. A Brief Description Major Drainage Basins Affecting Somalia.
Prepared by D. Kammer. National Water Centre, Mogadishu.
Project Field Document No. 14. SOM/85/008.Global Water Issues Confronting Humanity. 1990. Malin Falkenmark
GLOBAL HYDROLOGY: Processes, resources and env. Management. J.A.A.Jones. 1997.
Promising Area For Water Development in Northern Somalia. 1996. Costantino FaillaceRiver Development in Somalia: Shabelle and Juba Rivers.
River and Lake Basin Development, Meeting in Addis-abeba in 1988.SHARING WATER in southern Africa. 1997. John Pallet.
The Massive Water Scarcity now Threatening Africa: Why is’nt it Being Addressed?
1989. Malin FalkenmarkWAR AND WATER. International Committee of the Red Cross. Geneva. 1997.
WATER in CRISIS: A Guide to the World’s Freshwater Resources. 1993. Peter H. Gleick.
aaq
Aniga oo ka faa’ideysanaaya waxbixintan, waxaan Ilaahay uga baryaayaa dalkeyga Soomaaliya wanaag, waxaana halkan ugu baaqayaa dadkeyga soomaaliyeed in ay ka gudbaan khilaafka hubeysan, midka aanan hubeysneynba iyo guud ahaan colaadda siyaasadeed una gudbaan is-faham ku yimaada wada-tashi iyo is-tixgelin, iyo dadaal loo galo sidii loo hormarin lahaa dadkeenna iyo dalkeenna, loogana saari lahaa Gaajada, Cudurka iyo Jahliga noocyadooda kala duwan, loogana bixi lahaa colaadda dabada dheeraatay.
Xiddigaha dusheenniyo
dad baa dayaxa heybsaday
ka habsaanay dunidoo
innagaa ugu dambeynnee
calankeenna daadagay
miyeydaan dareemeyn
diris iyo xigaalow
haddeynaan is-daba qaban
miyuu reerku dagayaa
Stockholm, Sweden
Abriil 1998
Abdullahi Elmi Mohamed
B. Sc. in Civil Engineering & Construction
M. Sc. in Environmental Engineering & Sustainable Infrastructure/Development
Ph.D. candidate in Environmental Security & Water Resources Management
Royal Institute of Technology
Dept. of Civil & Environmental Engineering
Div. of Hydraulic Eng. & Water Resources Development.Fax +46 8 218116 / 208946