QAAR KA TIRSAN DHIRTA IYO DUURJOOGTADA
SOOMAALIYA OO SII DABAR GO'AYA


(SomaliNet) 29 Jan 2001

Waxaa aad iyo aad naxdin u ah in diyaarada Xamar kasoo kacda ilaa ay ka gudubto xuduudka Soomaaliya ay kor marayso dhul aan geedo lahayn oo banaan. Hadaba si'aan wax uga ogaano sababta keentay nabaad guurkan ku dhacay dhulka Soomaaliya intii ugu geedaha badneyd ayaa Maxamed muxiyadiin Cali oo kamida bahda SomaliNet uu ka sameeyey baaritaan waqti qaatay wuxuuna kasoo diyaariyey warbixintan.

Sanadihii siddeetameeyadii ayey ahayd markii ay ganacsato isku halleyneysa Jaalle Maxamed Siyaad Barre ay billaabeen inay ugaarsadaan Maroodiga si ay ugala baxaan faantiisa, uguna iib geystaan dalalka dibadda, dokumenti laga helay guriga mid ka mid ah xaasaskii Jaalle Siyaad ayaa caddeynaya in faanta Maroodiga ay ka iibsan jireen Shirkad Jabbaan ah oo la yiraahdo TANGE & CO., LTD. ( K.K. Tange Shokai ), taasoo si toos ah u qaadan jirtay faanta Maroodiga iyo qolofka dusha uga dahaaran xayawaanka loo yaqaan Diinka.

Xilligaas ayuuna soo billowday dabargoynta lagu hayo duurjoogta Soomaaliyeed, hase ahaatee waxay ka dar oo dibi dhal noqotay wixii ka dambeeyey dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyadoo ay soo if baxeen ganacsato ay waddaniyaddu ku yar tahay oo shaqo ka billaabay dhoofinta dhuxusha, kuwaasoo heshiisyo ka ganacsi dhuxul lasoo galay beecmushtarro carbeed, waxayna billaabeen inay dhuxusha si xad dhaaf ah uga raraan dekedaha dalka.

Sahan ballaaran iyo tirakoob sugan oo dhawaan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in dekedda dabiiciga ah ee Ceel Macaan ay tahay halka xuddunta u ah ee laga dhoofiyo dhuxusha ugu badan, waxaana halkaas laga raraa dhuxul dekedo badan laga soo diiday in laga dhoofiyo. Dhuxusha laga dhoofiyo goobtaas waxaa badankeeda laga keenaa gobollada Bay, Bakool, Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo goobo ka mid ah Jubbooyinka, iyadoo jarista geedkana loo isticmaalo mishiin casri ah oo si fudud u goynaya geedka. Ma aha dekedda Ceel Macaan oo keliya halka laga dhoofiyo dhuxusha, balse waxaa iyadana abuurmay deked kale oo macmal ah lagana sameeyey agagaarka Ceel Cadde oo u dhow garoonka diyaaradaha ee Cisalley ee Waqooyiga Muqdisho, sidoo kale Dekadda Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa iyadana saldhig u noqotay dhoofinta dhuxusha, iyadoo dekedda Kismaayo ay ilaa iyo hadda ka socoto raridda dhuxusha.
Waxaa kaloo jira goobo kale oo si qarsoodi looga raray dhuxusha sida degmada Warsheekh oo horraantii 1998-kii laga raray laba doonyood oo ku socday dalalka Khaliijka.

Xagga duurjoogta waxaa fashilmay isku day la damacsanaa in dekedda Ceel Macaan Markab taagnaa lagu raro noocyo kala duwan oo duurjoog ah, kaasoo markii la saaray boqol iyo toban neef oo Deero ah ay isla markiiba markabka dushiisa ku dhinteen laba iyo sagaashan neef, kadib markii ay u adkeysan waayeen dhaqdhaqaaqa iyo dheellinta Markabka oo aad uga duwanaa dabeecadda deegaanka ay ku noolaayeen, taasina waxay sababtay in intii hartay iyaga oo aad u liita in laga soo dejiyo Markabka.

Duurjoogta Soomaaliya qaar badan oo ka mid ah ayaa qarka u saaran inay dabar go'aan sida Maroodigii iyo Wiyishii dalkeenna oo maanta aan midkoodna laga heleynin gudaha dalka Soomaaliya.

Haramcadka iyo Shabeelka ayaa loo ugaarsadaa in isagoo nool loo iib geeyo dalalka Carbeed ama lagala baxo maqaarkooda quruxda badan, Libaaxa ayaa u dhinta duftiisa iyo maqaarkiisa, Jeerta wabiga waxaa loo dilaa Iligeeda, hilibkeeda, subaggeeda iyo haraggeeda, Sagaarada ayaa loo dilaa in hilibkeeda lagu daweeyo Carruurta xiiqdheerta qabta sida ay rumeysan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed. Diirdiirka, Deerada iyo Cawsha ayaa loo ugaarsadaa si loo cuno hilibkooda iyadoo mar mar marna la dhoofiyo.

Bakaylaha ayaa noqday mid si joogto ah loo keeno Suuqyada Muqdisho qaarkood si hilibkiisa loo cuno, sidoo kale lo' gisida ayaa hilibkeeda si rasmi ah looga helaa Maqaayadaha Tuulooyin ku yaal gobolka Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe sida Husungu, Kudhaa, Xaliimo Caddey iyo kuwo kale.

Goroyada iyo Geriga waxaa loo ugaarsadaa in iyagoo nool dibadda loo iib geeyo,Galeyrka iyo Qaandhawga ayaa si joogto ah loogu dhoofiyaa dalalka khaliijka, dabadedna Amiirrada, Sheekhyada iyo Maalqabeennada Carbeed ayaa ku raaxeysta duullimaadkooda quruxda badan iyo qqbka tababaran ee ay isu ugaarsadaan labadaas Shimbir.

Qaar ka tirsan duurjoogta ayaa kasoo qaxay deegaannadii ay ku noolaayeen kadib markii la jaray dhirtii gabbaadka u ahayd, halkaas oo uu ku batay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka, kuwaasoo cabsi weyn geliyey duurjoogta, sababayna inay si biimo ah u soo galaan Magaalooyinka.

Xayawaankaas waxaa ka mid ah Mukulaal Shabeelka, Manso Lugaaleyda, Daanyeerka , Guduudanaha iyo Waraabaha oo aad warbaahinta horey uga maqasheen in horraantii sanadkii 1997-kii laba Waraabe lagu toogtay inta u dhexeysa dhismihii Wakaaladdii Madbacadda Qaranka iyo dugsigii sare ee Bartamaha ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale qaar ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ayaa wada dhoofin ay ku hayaan qaar duurjoogta ka mid ah sida Haramcadka, Libaaxa, Geriga, Gorayada iyo noocyo ka tirsan Shimbiraha quruxda badan.

Xoolaha dheddig ayaa iyana ka mid ah waxyaabaha sida sharci darrada ah looga dhoofiyo dalka in kastoo maamullada kooxeed ee ka jira meelo ka tirsan dalka ay sharciyo kasoo saareen, haddana waxaad mooddaa in meelaha uu jiritaanka maamulkoodu muranka ka taagan yahay weli laga dhoofiyo kheyraadka dabiiciga ah.

Waxaa jira sharci Caalami ah oo ay isla oggolaadeen dalalka ku jira Qaramada Midoobay sanadkii 1975-kii, kaasoo mamnuucayey ka ganacsiga xayawaanka iyo geedaha, waxayse oggolaadeen in shatiga ka ganacsigooda ay bixin karto dowlad sharci ah.

Xukuumaddii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad Barre xilligeedii waxaa jirey sharciyo kala duwan sida dakareeto lambarkeedu ahaa 27, soona baxday 27-kii bishii Oktoobar 1969-kii, taasoo gebi ahaanba mamnuucaysay dhoofinta dhuxusha iyo sharcigii xannaanada xoolaha ee lambarkiisu ahaa 20, soona baxay 27-kii Juun 1967-kii, kaasoo xaaraan-tinimaynayey dhoofinta dhedigga Geela, Ariga, Fardaha, iyo Dameeraha.

Maxamed Muxiyaddiin Cali - Muqdisho