FATAHAADDA Webiga Shabeelle

BBC Laanta Soomaaliga. 2001-05-16.

Webiga Shabeelle ayaa laguu warramayaa in uu si weyn u fatahay oo uu qasaaro weyn u geystay meelo ka mid aha gobolada Shabeelleada Hoose iyo Shabeelada dhexe. Waa war uu soo tabiyey wariyaha BBC-da ee Laanta Afka-Soomaaliga ee Magaalada Muqdisho Xasan Bariise, asaga oo yiri sidan:

" Illaa iyo 8 tuullo oo ka tirsan degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley, ayuu qasaarooyinkaasi si weyn u sameeyey, siada ay ku warramayaan duqeyda tuulooyinkaas oo ay ka mid yihiin Buulo-Dab, Buulo-shambar, Bandar, Buulo-Xaawo, Balad-Amiin ayey dadkii deggnayaa ka qaxeen kadib markii uu daadadlkii ka dhashay fatahaadda webigu uu ugu soo galay guryaydooda. Dadkii ku dhaqnaa tuulllooyinkas oo lagu qiyaasay illaa iyo kun qoys ayaa uga qaxay degaannada ku beegan duleedka KM-50 iyo baadiyaha shishe ee wuqooyiga ka xiga degmooyinka Afgooye iyo Qoryooley , ayaga oo la carary xoolahoodii noolaa oo kaliya.
Maxamed Cali Faroole oo ka tirsan Dalad urur ayaa ii sheegya in tuulooyinkaasi wax badan loo qaban kari waayey, ayadoo ayuu yiri ay tuulooyin kale ay haatan qatar ugu jiraan fatahaaddaasi. Maxamed Cali Faroole wuxuu yiri waxaa weli kor u sii socdo heerka biyaha ee webiga kaas oo calaamad u noqoneyda in ay fatahaaddu sii socon doonto. Dalagyada ay haatan biyuhu maasheeyeen ayaa isugu jira galey, digir iyo salbuko, ayada oo ay dhul-beereed aad u ballaaran ay iminka biyahaasi soo fatahay dul-fadhiyaan.
Dhinaca kale fatahaad ka waxyeelo yar middan ayaa lagu soo warmayaa in ay ka dheceen Shabeelada DHexe ayada oo ay biyaha jabsadeen dhowr meelood oo webiga ah, gaar ahaan tuullooyin ku dhow degmada Jowhar, waxayna biyuhu maasheeyeen dhul-beereed gaaraya 1500 oo hektar. Ilaa iyo hadda wax dhimasho dad iyo xoolo ah oo ay daadadkaasi geysteyn lama soo sheegin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa cad in eysan jirin hey'ado samafal oo la tacaalaya wax ka qabashada dhibaatada fatahaadda webiga. Dadka ku nool Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe ayey xooladooha iyo beerahooda u ba'ayeen biyo la'aan ka dhalatay abaarro ayada oo ay iminka biyihii mar la weysanaa ay goynayaan beerihii xoolihiina lagala qaxayo."

Xasan Bariise BBC Muqdisho.


BBC Laanta Soomaaliga. 2001-05-17.

Dhul-balaaran oo beeraley ah ku fidsan webiga ayey fatahaaduu qasaaro u geysatay iyo weliba jidadkii, kumanyaal qof ayuuna guryo tiray. Weriyaha BBC Maxamed Caddoow oo beryahanba socdaal shaqo ku marayey gobollo ka tirsan koonfurta SOomaaliya ayaa maanta soo eegay dhulka sida uu webigu sida ba'an ugu fatahay, gaar ahaan degaanka Shabeelaha Hoose wuxuuna dib ugu noqday magaalada Marka, wuxuuna uga warramay C/raxmaan Koronto oo London jooga.

" C/raxmaan waxaa maanta soo booqday maagalada Qoryooley iyo laba tuulo oo ku yaala duleedkeeda oo kala aha Jasiira iyo Bandar halkaas oo aan ku soo arkay xaalad adag ayada oo webigu uu aad u biyo keenay, asaga oo ku fatahay beeraha lku yaala goonyihiisa., isla markaasina qasaaro u geystay tuulooyinkaasi iyada oo dadka ku nool QOryooley ay ka cabsi qabaan in ay daadadku soo gaaraan. Ka waran qasaaraha uu Geystay fatahaaddu ayuu weydiiyey C/raxmaan Koronto. Caddow wuxuu yiri Gudoomiyaha Degamaha Qoryooley Cali Xasan Caliyow Iiddoow oo aan maant ala kulmay ayaa ii sheegay in daadadku dhibaatooyin u geysteen beeraha ku yaala goonyaha webiga Shabeelle iyo weliba tuulooyin kale oo la yiraahdo Doonburaaleey, Allan-boor, Dharkeynley, oo anigu aan geli waayey waayo biyaha ayaa meel walba qabsaday. Waxayga qaaaaro weyn u geysteen beeraha oo isugu jiray dalagayo kala duwan, galey, bariis, bataato iyo kuwo kale, iyo dad ay ka burburiyeen guryahoodii. Sideebey kuula muuqdeen goobihii fatahmay ee aad tagtay ayaa la weydiiyey M. Caddow. Isagoo yiri waxaa meel walba qariyey biyaha iyada oo ay dadku isku dayayaan in ay iska moosaan biyaha, ayada oo ay habeennkii ay ilaalo sameeyaan dadka tuulooyinkaas deggan, ilaaladaas oo buun yeelinaaya marka ay biyuhu soo dhaafaan meeshii ay joogeen, kadiba dadka tuulada deggan oo idil ayaa isku soo baxaaya si ay u mood´saan biyaha ama ay uga cararaan. Hey'ad talyaani ah ayaa dadka ugu deeqday jawaanno ay biyaha isaga moosaan. Ka warran ayaa la yiri cabsi laga qabo daadad kale, isaga oo yiri sida uu ii sheegay Guddoomiyae Cali XAsan Caliyow haa daadadka oo ka dhashay roobab ka da'ay dhinaca Itoobiya ayaa iminka soo wada biyo ka fara badan kuwii hore, asaga oo weliba yiri waxaa laga cabsi qabaa in ay geystaan qasaarooyin laxaad leh"