War-Saxaafadeed:
Biyo-Xireenka Itoobiya ee Webiga Shabeelle
& Saameynta Dadka & Degaanka Dabiiciga

Desember 12, 2001.

Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment), oo ah urur-aan-dowli-aheyn (NGO) oo loo aasaasay inuu diiwaan-geliyo isla markaana daraasado ku sameeyo dhibaatooyinka dalka Soomaalida ee dhinacyada biya-yarida iyo degaanka-sii-xumaanaya, waxa ay welwel iyo cabsi weyn ka muujineysaa tallaabooyinka horumarineed ee dalka Itoobiya ee ku wajahan Webiga Shabeelle, gaar ahaan biyo-xireenka la sheegay in laga dhisayo Webigaas.

Webiyada Jubba & Shabeelle waa webiyo caalami ah oo ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya. Labadan Webi oo ah webiyada keliya ee dhexmara dalka Soomaaliya waxay biyo u helaan dhul-beereed baadax weyn ee ku yaala koonfurta dalkaas oo aanan webiyadaas la'aantooda laga faa'ideysan karin. Waxay kaloo ilo-biyo u yihiin dad iyo xoolo-dhaqato fara badan oo ku kala baahsan dhulka Soomaalida ee ay webiyadaasi maraan. Webiyadan waxay ku yaalaan dhul ay cimiladiisu aad u qalalan yihiin oo ay ku yar yihiin roobabka isla markaana ay ku badan yihiin abaaraha isdaba-joogga ah ee wax dila. Taasi wexey macnaheedu tahay in Webiga Shabeelle uu yahay mid aad u biyo yar, socodka biyihiisuna ay yihiin kuwa si aad ah isu-bebeddela xilliyada sanadka, ayada oo weliba xilliyada qaar uu Webigu qalalan yahay oo uusan laheyn wax biyo ah haba yaraadaane. Si kastaba ha ahaatee, biyaha uu Webigu wado waxa ay intiisa badan ka yimaadaan dhulka buuraleyda ah ee gudaha Itoobiya.

Dhibaatooyinkaasi cimiladeed ee caddaadiska ba'an ku haya nolosha dadka Geeska Afrika waxaa sii dheer in uusan illaa iyo hadda jirin haba yaraatee wax wada-shaqeyn iyo heshiis ah oo ka dhexeeya dalalka ay Webiyadaasi Shabeelle (iyo Jubba) dhexmaraan oo ku aaddan dhinaca isticmaalka kheyraadka biyaha Webigaas. Taasina waxaa u sabab ah taariikhda madow iyo khilaafaadka aan dhamaadka laheyn ee ka dhexeeya dalalka Webiga Shabeelle (iyo Juba).

Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (SCWE) waxa ay ka welwelsan tahay saameynta la taaban karo ee uu biyo-xireenka laga dhisayo Webiga Shabeelle ku yeelan doono bulshooyinka xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda isugu jira ee degan dhinaca hoose (downstream) ee Webiga Shabeelle noloshooduna ay si weyn ugu xiran tahay biyaha ay ka helaan Webigaas. Xaruntu wexey kaloo ka walaacsan tahay saameynta xun uu biyo-xireenkaasi ku yeelan doono socodka biyaha Webiga, ayada oo uu markii horeba uu Webigu socodkiisu yaraa ayaa haddana waxaa la filayaa in Webigu uu qalalalo sanadka intiisa badan biyo-xireenkaasi dusha sare laga dhisay darteed. Arrintaas oo waxyeello u geysan doonto degaanka dabiiciga ah ee uu Webigu maro iyo guud ahaan nolosha duur-joortada ku baahsan dhul-qabatinka Webiga, gaar ahaan dhinaca hoose ee biyo-xireenka Itoobiya.

Inkasta oo uu dalka Soomaaliya oo xiga dhinaca hoose (downstream) ee Webiga Shabeelle (iyo weliba Webiga Jubba) uu yahay mid beylah u ah biyo-xireenka uu dalka Itoobiya iminka ka dhiseyso Webiga Shabeelle, iyo dhamaan talaabooyinka horumarineed ee haldhinaclaha ah ee Webiyada Juba & Shabeelle, haddana iskaashi ballaaran oo dhexmara dalalka wadaaga Webiyadaas waa lama huraan, haddii la doonayo in si isgarabsi ah looga wada faa'ideysto kheyraadka biyo ee labada Webi, isla mara ahaantaana looga hortago xaddiga ballaaran ee dhibaato ee ku soo fool leh Webiga Shabeelle iyo weliba Webiga Jubba.

Ayada oo la tixgelinayo baahida daruuriga ah ee loo qabo biyaha Webiga Shabeelle laguna xisaabtamayo baahidaasi sii kordheysa, isla mar ahaantaana laga fogaanayo khilaaf ka dhasha isticmaalka biyaha Webigaas lana dhowrayo deris wanaagga iyo qaanuunnada caalami ah, waxay Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (SCWE) kula doodeysaa kuna dhiiragelineysaa dalalka wadaaga Webigaas in la aasaaso lana bilaabo iskaashi walaaltinimo oo ku aaddan dhinaca Webiyada, gaar ahaan xilligan adag oo ah mid si aad ah ugu baahan in la badbaadiyo guud ahaan bulshada Geeska Afrika, ayada oo uu sanadba sanadka kasii dambeeya uu kor u sii kacayo qiimaha uu iskaashigaasi leeyahay. Waxaa kaloo xusid mudan in la tixgeliyo xaaladda uu ku sugan yahay dalka Soomaaliya xilligan isla markaana la wajaho biyo-la'aanta jirta iyo degaanka-sii-xumaanaya ee saameynta xun ku yeelan kara nolosha iyo xasiloonida dadka gobolka Geeska Afrika.

War-Saxaafadeed:

Walwal Weyn oo Laga Muujiyey
Webiyada Jubba & Shabeelle.


QARAN PRESS.
Stockholm, 30 Sebt. 2000. Daraasad (warbixin) ay soo-saartay Xarun Soomaaliyeed oo daraasado ku sameysa biyaha iyo degaanta dabiiciga ah ee Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment), ayaa waxa ay muujisay cabsi-weyn oo ku soo fool leh labada Webi ee Jubba & Shabeelle. Jubba & Shabeelle waa labada webi ee kaliya ee ay Soomaalidu leedahay oo mara dhinaca koonfureed ee dalka. Labada webi oo ah webiyo caalami ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay biyo u helaan dhulbeereed baadax weyn ee ku yaala koonfurta Soomaaliya oo aanan webiyadaasi la’aantood laga faa’ideysan karin. Waxay kaloo ilo-biyo u yihiin xoolo-dhaqato fara badan oo ku kala baahsan dhulka ay webiyadaas maraan. Baahida loo qabo biyaha labada webi ayaa sii kordhaaya ayada oo ay ugu wacan tahay tirada dadka ku nool dhaqaale ahaanna ku xiran labada webi oo sii badanaaya. Xaddiga dhibaatada ku soo fool leh labada webi ayaa ah mid baadax weyn.

Soomaaliya oo xigta dhinaca hoose ee webiyada waxay beylah u tahay talaabooyinka
horumarineed ee ay Itoobiya iminka qaadeyso oo ku wajahan webiyadan. Itoobiya waa
dal ku yaala dhinaca kore ee webiyada. Ayada oo ay waxsoosaarka dhul-beereedka ku yaala dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya yihiin tiirarka ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu ku saleysan yahay, ayaa labadan webi waxay udub dhexaad u yihiin dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Sidaasi daraadeed, isbedel ku yimaada socodka iyo tayada biyihiisu waxay saameyn adag ku yeelan doonaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya iyo weliba degaanka dabiiciga ah ee ay webiyadaasi dhex maraan. Daraasaddaasi (Warbixintaasi) waxay si faahfaahsan uga warameysaa socodka biyaha labadaasi webi, ee daruurigu u ah nolosha Soomaalida. Waxbixintu waxay muujineysaa in aysan webiyadu biyo badan ka helin dhulka Soomaaliya, oo biyaha ay wadaan ay intooda badan ka helaan dhinaca dhulka Itoobiya. Tani waxa ay sii kordhineysaa walwalkii hore ee ahaa in ay Soomaalidu xigto dhinaca hoose ee webiyada Jubba & Shabeelle.

Aqoonyahan sare oo taqasus fog u leh cilmiga biyaha iyo degaanta dabiiciga ah (Dr. C/laahi Cilmi Maxamed) oo u hadlay xaruntaas waxa uu wargeyska QARAN u sheegay in labadaasi webi oo ku yaala dhul qalalan oo ay biyuhu - roobku - ku yar yihiin in ay haddana la’ yihiin heshiis biyo iyo maamul mideysan oo ka dhexeeya dalalka wadaaga. Khilaaf ka dhasho isticmaalka biyaha labadaasi webi ayaa, haddaba, u muuqda mid lama dhaafaan ah, haddii aanan la helin is-beddel iyo iskaashi dhexmara labada dal. Ka sokow heshiis la’aanta isticmaalka biyaha labada webi, horumar la’aanta webiyadaas waxaa ugu wacan xasilooni-darrada dhinaca siyaasadda iyo bulsahada, tabar-darrida dhinaca dhaqaalaha iyo weliba tiro-yarida aqoonyahanno taqasus sare leh oo loo isticmaali karo horumarinta webiyadaas. Iskaashi ballaaran oo dhexmara dalalka webiyadaasi wadaaga waa lama huraan, haddii la doonayo in si isgarabsi ah looga faa’ideysto kheyraadka biyo ee labada webi. Dr. C/laahi Cilmi Maxamed, oo cilmi-baare ka ah Jaamacadda weyn ee Royal University of Technology ee magaalada Stockholm (Sweden), waxa uu carabka ku adkeeyey in dhibaatooyinka degaaneed ee dabiiciga ah ee la xiriira cimilada ee sii kordhaaya sida abaaraha iyo fatahaadyadu sida isdabajooga ah u dhacaaya in ay kalifayaan in si wadi jir ah ay Soomaaliya iyo Itoobiya u wajahaan arrinta labada webi. Si markaasi loo xaddido saameynta xun ee abaaraha wax-dila iyo fatahaadyada wax-baari’iya, horumar buuxana loogu sameeyo labada webi ee Jubba iyo Shabeelle.

Daraasaddu (Warbixintu) waxay ku soo gababeyneysaa warbixinteeda talaabooyin muhiim ah oo ay soo jeedineyso sidii wax looga qaban lahaa arrintaas cabsida leh ee labada webi, iyo guud ahaan horumarinta, qorsheynta iyo maamulka kheyraadka biyaha dalka Soomaaliya gaar ahaanna laba webi ee Jubba & Shabeelle. (QARAN-PRESS)

Dr. C/laahi Cilmi Maxamed ’Asad’
+46 (0) 70 752 2425
E-mail: elmi@kth.se

War-saxaafadeedkan waxaa lagu soo daabacay 30-kii bishii Sebtembar
2000 Wargesyka QARAN oo ah midka mid ah wargeysyada dalka.