Abdullahi Elmi M. elmi@kth.se
February,2002.
Doorka Ay Tiro-yarida Kheyraadka Daciibigu
Ku Leeyihiin Mushkiladda Soomaalida
Qoraalkani waxa ay ujjeeddadiisu tahay in uu dood ku darsado sababaha dhaliyey mashaakilaadka Soomaalida hesyta, ayada oo arrinta laga eegaayo doorka ay tiro-yarid iyo helitaanka kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna ay ku leeyihiin mushkiladda siyaasadeed iyo ismaandhaafka bulshadeenna.
Daraasad ku wajahan xiriirka ka dhexeeya mashaakilka siyaasadeed ee Soomaalida iyo tiro-yarida kheyraadka dabiiciga ah ee aasaaska u ah nolosha aadanaha (sida biyaha iyo daaqa) ee uu sameeyey ururka Xarunta Biyaha iyo Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment) ayaa waxa ay kashifeysaa xaqiiq dahsoon oo jirta iyo arrimo muhiim ah.
Dhulka Soomaaliyeed waxaa si weyn ugu yar kheyraadka dabiiciga sida biyaha iyo daaqa kuwaas oo daruuri u ah nolosha bulshooyinka reer-guuraaga ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo la sheego in ay yihiin dadka intooda badan. Dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo nolosha dadkaasi xoolo-dhaqatada waxay dhaqan ahaan si ba'an ugu xiran yihiin kheyraadka biyaha iyodhul-daaqsimeedka kuwaasoo l'antoodu uu inta badan ku qasbo bulshooyinkaasi in ay raacato u galaan helidda biyaha iyo daaqa. Cimilada Soomaaliya, oo ah qodobka ugu muhiimsan ee nolosha xoolo-dhaqatada reer-guuraaga Soomaaliyeed, waa mid aad u qalalan oo roobab yar. Habkii loogu noolaan lahaa dhulka noocaasi ah waa mid u baahan in uu ku saleysnaado himilo ka turjumaaya hab-dhaqameedka bulsho, ayada oo weliba u isticmaalidda kheyraadkaasi gabaabsiga si beeqaam-darro ah ay keeneyso in tartan ka dhex-dhasha bulshada kaas oo dhalin kara khilaafyo sokeeye oo lagu hoobto. Tusaale ahaan, ceelasha ku yaala miyiga Soomaaliya maaha oo kaliya il-nololeed ay dadku kahelaan biyaha, balse waa xitaa meel ay ka dhalato khilaafyada dhaqan ahaan dhex-maro bulshada. Sidaasi daraadeed, dhaqaalaha bulshooyinka reer-guuraaga ah ee xoolo-dhaqatada ah oo ku xiran roobabka tirada yar ee ka da'a dalkeenna waxa ay ku kalifeen bulshooyinkaasi in wax ka beddelaan qaabka ay u wajahaan nolosha ay dhulkoodaka kasbadaan.
Taariikhda casriga ah ee dalkeenna waxa ay caddeyneysaa in bulshada Soomaaliyeed ay u socotop dhanka koonfureed, ayaga oo ka soo tagaaya dhulalka qalalan oo u soo wareegaaya dhan koonfureed. Qodobka ugu muhiimsan ee sababay socdaalkoodaasi waa tiro-yarida roobabka (biyaha) ay xoolhooda u baahan yihiin iyo weliba helitaan la'aanta dhul-waxsoosaar leh oo ay noloshooda ka kasbadaan. Dad badan ayaa noloshoodii ku saleysneyd qaab-nololeedka raacatada beddelay ayaga oo ay si ba'an saameysay abaaraha sida isdaba-joogga ah uga dhaca dhulka Soomaaliyeed kuwaas oo dila xoolahooda muhiimka u ah noloshooda (abaarihii ugu darnaa waxay dhaceen tusaale ahaan Xaaraamecune 1911, Siigacadde 1945, Saddexshillinleey 1947, Daba-dheer 1974, iyo kuwa kale oo ay ka mih yihiin abaartii 1992). Qarnigii tagat waxa uu na baray sida ay bulshooyinka awoodda badan leh ee xoola-dhaqatadu, kuwaas oo dhaqan ahaan diidi jiray qodashada beeraha isla markaana xuursan jiray dadka beeraha-tacbada, sida ay u beddeleen qaab-nololeedkoodii ku saleysnaa raacatada oo ay u qaateen qaab-nololeedka ku saleysan tacbashada dhulka. Arrintani waxa ay soo shaac baxday xilligii ay shisheeyaha reer Yurub ee dalka gumeystay ay yimaadeen ee dhamaadkii qarnigii 19-naad, waxayna sii badatay markii ay Soomaalidu xorowday iyo xilligii dagaalada sokeeye.
Dhulka u dhexeeya laba Webi Jubba & Shabeelle waxa uu leeyahay dhul-beereedka ugu fiican wuxuuna helaa roobabka ugu badan guud ahaan dhulka ay Soomaalidu ay degto. Intii ka dambeysay xorriyaddii 1960-kii, dadka Soomaaliyeed waxay xaqiiqsadeen qiimaha dhulkaasi uu u leeyahay waxsoosaarka dhaqale ee dalka. Webiyada waa halka ay ka dhashaan ilbaxnimada aadanaha iyo horumarkiisa. Ilaahey (Casa-Wajala) waxa uu Quraanka Kariimka ah in dadka muslimiinta ah uu gelin doono jannooyin, kuwaas uu ku fasiray in ka badan 40 jeer in ay yihiin beero ay Webiyo hoos socdan. Tani waxa ay mar kale tilmaameysaa qiimaha ay Webiyadu (biyaha) u leeyihiin nolosha adduunyada.
Xilligii maamulkii shacabka ee 1960-69, musharixiinta Golaha Shacabka waxay bulshada reer-miyiga ah ee xoolo-dhaqatada u qodi jireen ceelasha biyaha si ad uga helaan codadkooda. Maamulkii militari ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre waxa uu u isticmaali jiray nidaamkii Diiwaan-Gelinta Dhulka ee 1975-tii istiraatajiyo uu dhul-beereedka koonfureed ku kasbanayo taageero siyaasadeed dadka isaga raacsan. Asal ahaan, sababta burburka dowladnimadii maamulkaasina waxa uu qeyb ahaan ka soo jeedaa si quman u maamulid la'aanta kheyraadka dabiiciga ah iyo weliba horumarin la'aantooda. Ayada oo ay arrintani ay beylah iyo degaanaansho-darro ku riday bulshooyinka reer miyiga ah, gaar ahaan kuwa xoolo-dhaqatada ah.
Intii ka dambeysay dagaaladii sokeeye ee 1991 dalka ka bilowday, kooxaha siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee ay hogaamiyaan dagaal-wadayaasha hubeysan waxay ka faa'ideysteen xaaladda ba'an ee ay ku sugan yihiin bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah, ayada oo lagu dhiira-geliyey in ay hubka qaataan oo ay degaan dhulka wax-soosaarka leh ee u dhexeeya labada Webi ee Jubba & Shabeelle, ayada oo weliba xoog militari la isticmaalayo, si markaasi loo hantiyo dhulka dhaqaalaha leh. Arrintani waxa ay dhalisay in ay sabab u noqotay khilaafka sii kordhaaya ee u muuqda xal-laawaha ee koonfurta Soomaaliya. Waxaana muuqata in kooxaha hubeysay ee isku-heysta koonfurta Soomaaliya ay arrintaasi sabab u tahay dhul-beereedka biyaha leh ee goboladaas leeyahay. Haddaba isku-ciriirinta dhulka ku yaala koonfurta dalka ee waxsoosaarka leh waxaa la oran karaa waa sababta ka dambeeya dagaalka sokeeye ee koonfurta ka oogan. Waxaana taasi caddeyn u ah isku heysiga aan dhamaadka laheyn ee dhulkaasi ka taagan iyo kooxaha fara badan ee halkaasi ka jira. Inkasto oo meel walba oo dhulka korkiisa ah uu Illaahay (Casa-Wajala) ku abuuray kheyraad ay dadka ka kasbadaan noloshooda, balse dadku waxay doorbidaan in ay degaan dhulka leh kheyraadka sida sahlan loo heli karo. Si kastaba ha ahaatee, waxsoosaar yarida dhulka Soomaalida waa arrin dhibaato ku heysa dadka Soomaaliyeed. Nasiib-darrada na heysataana waa in uu dhulkeennu laheyn waxsoosaar lagu haqabtiro baahideenna nololeed, ayada oo ay ugu wacan tahay qaleylka dhinaca cimilada oo aan roobab badan laheyn. Tani waxa ay ka dhigtay in nolosha Soomaalida oo ah mid si weyn ugu xiran roobka inay noqoto nolol beylah ah oo jabi og, Soomaaliduna ay noqdaan bulsho faqri ah oo ku nool nolol ku saleysan qaab halis u ah deganaasho la'aan iyo horumar-darro.
Nidaamkani waxa uu sababaa in bulshadu ay isku ciriiriso halka uu kheyraadku yaalo, taas oo iyada dhalisa rabshado iyo burbur ku yimaada hab-dhaqameedkii taariikhiga ahaa ee kheyraadkaasi loo isticmaali jiray iyo lahaanshaha asaliga ah ee hantida dhulka. Fikirka ku saleysan qabiilka oo ay ujjeedeedu tahay Qabso-Kheyraadka ayaa ah xoogga hagaaya arrintan. Isku-ciriirinta dhulka labada Webi ayada oo laga soo tagaayo dhulka qalalan oo ah arrin beri hore bilaabatay illaa iyo haddana socota waa arrin la fahmi karo, waa qodob ka mid ah qodobada salka u noqon kara xal waara oo loo helo khilaafka Soomaalida. Ururka Xarunta Biyaha & Degaanka Soomaaliyeed (SCWE) wax dhibaato ah kuma qabo in Soomaalida oo idil ay dhulkaasi soo degto, maadaama ay jiraan kooxo badan oo halkaasi dano fara badan ka leh, balse waxaa walwal ku haya Ururka sidii kheyraad-dhuleedkaasi loo isticmaali lahaa ayada oo aan wax dhaawac ah loogu geysan laheyn degaanka dabiiciga ah iyo dadka sida asaliga ah u deganaa dhulka. Waxaana muuqata in kheyraadka uu dadka oo idil ku filan yahay balse uusan ku filneyn dadka oo idil haddii ay jirto dhuunimo dheeraad ah iyo sadbursi, waana meeshaas halka ay ka imanesyo mushkiladda khilaafka.
Gunaanad ahaan, daraasadaani waxay si muujineysaa in dadku ay isku ciriirinayeen dhulka qoyan ee labada webi u dhexeeya, kana soo hayaamaan dhulka qalalan ee ay roobabku ku yar yihiin, waxaa kaloo la aamini karaa in faqriga Soomaalidu uu salka ku hayo tiro yarida kheyraadka dabiicaga ah, faqrigaasi uu hooyo u noqday khilaafaadka Soomaalida.
Isku-soo duuduuboo, waxaa muuqata in si kalsooni leh loo oran karo in khilaafka Soomaalida ay sababeen laba arrimood oo isku xirxiran kuwaas oo kala ah Faqriga iyo Caddaalo-darrada bulshada heysata. Caddaalo-darrada waxaa dhaliyey tiro-yarida kheyraadka dabiiciga ah ee ay bulshadu u baahan tahay, taas oo dhaqan ahaan noqoneysa biyaha iyo dhul-daaqsimeedka xoolaha. Aragtiga daraasadaani ay muujineyso ayaa ah in qabiilku uusan aheyn sababta mushkiladda balse loo fasiri karo in qabiilka uu yahay aalab loo adeegsato in lagu samata-baxo ayna isku aqoonsadaan dad si isku mid u arko ujjeeddo ay wada leeyihiin, iyo gaaridda dan-shaqsiyadeedka Soomaalida rogay.