Warbixin Ka Hadleysa Degaanka Dalkeenna ee Sii Xumaanaya
5
ta bisha Juun sanad walba waa Maalinta Degaanka Adduunka (World Environment Day) waa maalin si aad ah u mudan in wax laga taabto guud ahaan degaanka dunida ee sii xumaanaya iyo gaar ahaanna dhibaatooyinka degaaneed ee heysta dalkeenna. Bishii Juun sanadkii 1972 ayey aheyd markii ugu horeysay oo la qabto Shir caalami ah ay Qaramada Midoobay (QM) qabanqaabisay oo looga hadlo degaanka bani'aadanka. Shirkaas (United Nations Conference on Human Environment) oo lagu qabtay magaalada Stockholm, Sweden, kama aysan soo qeyb gelin dowlado badan oo dunida sadexaad ah ayaga oo u arkayey in kulankaasi uu quseeyo oo kaliya dalalka warshadaha leh oo ah kuwa ay iyagu heysto dhibaatooyinka wasaqeynta degaanka. Si kastaba waxa uu shirkaasi noqday kulankii ugu muhiimsanaa ee bilow u noqday doodda calaamiga ee dhinaca degaanka.
MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
- World Environment Day, 5ta Juun 2009





Abdullahi Elmi
E-mail: elmi@kth.se



Isla sanadkaas 1972 waxaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka soo baxay go'aanno dhowr ah oo degaanka ku wajahan: sida go'aankii lagu aasaasay Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabisan Barnaamijka Degaanka 'United Nations Environment Programme (UNEP)' oo ay xarunteedu tahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa kaloo la go'aamiyey in sanad walba bisha Juun 5-teeda loo aqoonsado Maalinta Degaanka Adduunka. Waa maalin caalami ah oo adduunka oo idil laga xuso, loogana hadlo qiimaha degaanka uu leeyahay iyo arrimaha la xiriira degaanka dunida. Waxaad arrimaha degaanka ee sanadkan 2009 ka aqrisan kartaa bogga World Environment Day 2009.
Degaanka Dalkeena ee sii xumaanaaya.


Si kasta ha ahaatee, 20 sano ka dib ayaa sanadkii 1992 dunida oo dhan la xaqiiqsaday in degaanku uu yahay arrin leh mudnaan aad u sareysa. Taasina waxay dhalisay in sanadkaasi 1992 bishii Juun lagu qabto magaalada Rio de Janiero ee dalka Brazil shirkii dunida ugu weynnaa oo lagu magacaabo Rio Conferernce ama Earth Summit, oo noqday kulanka ugu caansan kulannada dunida ka dhacay. Kulankaas oo looga hadlaayey Degaanka iyo Horumarka Dunida (UN Conference on Environment and Development), waxaa soo qabanqaabiyeen Qaramada Midoobay waxaana ka soo qeyb galay dhamaan madaxda dunida ugu sareysa (178 hogaamiye dal), hey'adaha caalamiga iyo ururada aan dowliga aheyn, i.w.m. Nasiib darro, Soomaaliya waxa ay noqotay dalka kaliya ee aan kulankaas ka qeyb gelin, ayada oo markaasi uu dalkeennu ka socday dagaalkii sokeeye ee lagu hoogay oo si weyn u waxyeeleeyey degaanka dabiiciga. Natiijadii ka soo baxday kulankaas waxa noqotay dokumentiga maanta ugu caansan dunida ee loo yaqaanno AGENDA 21, oo ah mid loogu talagalay in dunida lagu horumariyo qarnigan 21-naad laguna dhowro degaanka dabiiciga ah.

Intii ka dambeysay shirkaasi la qabtay 1992, waxaa maalin walba sii kordhaya ahmiyadda iyo qiimaha degaanka. Inkastoo ay dhinaca kalena sii kordhayaan waxyeelada loo gesyto degaanka. Si kastaba ha ahaatee degaanku waxa uu noqday qodob ka mid ah qodobada ugu muhiimsan uguna mudnaanta sarreeya ajendaha siyaasadda caalamka, dhaqaalaha dunida iyo nolosha dadka.

Dhibaatooyinka ba'an ee dunida maanta ee dhinaca degaanka waxaa ka mid ah:

(1) abaaraha iyo fatahaadyada sii kordhaaya;
(2) xaalufinta dhirta iyo dabar-goynta ugaarka;
(3) wasaqeynta biyaha iyo dhulka;
(4) tirada qashinka oo sii kordhaaya;
(5) wasaqeynta iyo kuleylinta hawada i.w.m.

Qiiqa faraha badan ee ay warshadaha iyo baabuurta sii daayaan, oo ah arrinta ugu daran ee maanta heysata degaanka dunida oo idil, waxa uu si ba'an u wasaqeeyaa hawada dunida, kaas oo isbeddel ku sameeya cimilada dunida, gaar ahaan kuleylinta hawada. Waxyaabaha ka dhallan kara waxaa ka mid ah isbeddel ku yimaada roobabka, ayada oo meelaha qaar ay roobabkoodu yaraadeen, qaarnna ay fatahaadyadu ku bateen. In haddaba la yareeyo qiiqa ay sii daayaan waddamada warshadaha leh waa arrin illaa iyo hadda lagu heshiin la' yahay, ayada oo ay waddamada reer galbeedka ay isla fahmi la' yihiin qaabkii lagu yareyn lahaa qiiqa fara badan ee sii kordhaaya ee ay dalalkaasi sii daayaan. Arrintaasi oo ah mid dhaqaalaha waddamadaasi si xoog ah ay u saameyneysa ayaa dhowr kulan oo illaa iyo hadda la qabtay ay ka soo bixi wayeen wax natiijo ah. Muranka arrintaasi ku saabsan waxaa uu si weyn u dhexyaalaa waddamada Midowga Yurub iyo dalka Mareykanka, oo isagu ah dalka ugu badan dhinaca sii deynta qiiqa hawada wasaqeeya.

Ficilada ay bani'aadanku ku sameeyaan dhulka korkiisa ayaa ah arrin si weyn u rogtay isbeddel weynna ku ridday degaanka dabiiciga ah ee dunida oo idil. Ficiladaasi waxay qatar weyn gelinayaan mustaqbalka dadyowga dunida oo idil. Tusaale ahaan, xanuunka iyo dhimashada ku timaada qeyb weyn oo ka mid ah dadyowga ku nool dalalka faqriga waa arrin si toos ah ula xiriirta qurminta iyo wasaqeynta degaankooda dabiiciga ah. Waxaa soo baxday in 80% cudurada ku dhaca dadka dunida oo dhan ay yihiin kuwa ka dhasha isticmaalka biyo aan nadiif aheyn oo wasaqeysan. Waxka-qabsahada arrimahaasi waxay haddaba qeyb libaax leh ka yihiin halganka loogu jiro himilooyinka dhinaca la dagaalanka faqriga iyo xasilooni-darrada bulshadeed.

Ayada oo ay guud ahaan kororka dadka iyo horumarka dhaqaalaha ay yihiin arrimo culeys weyn ku haya degaanka dabiiciga ah, ayaa haddana faqriga iyo dagaalada sokeeye ay yihiin sababaha ugu waaweyn ee dhaliya in degaanku uu qurmo. Faqrigu waxa uu si baaxad leh u baabi'iyaa degaanka, dhinaca kale degaanka-sii-xumaadana waxa uu dhaliyaa xasilooni-darrada bulshada siina kordhiyaa faqriga dadka ayaga markii horeba ceyrta ahaa, oo weliba si weyn ay noloshoodu ugu xiran tahay waxyaabaha ay ka helaan degaanka rabbaaniga ah. Degaanka oo qurma waxa uu dhaliyaa in ay xasili weydo nolosha aadanaha qatarna ay gasho jiritaankiisa. Sidaasi daraadeed, waxyaabaha ugu walwalka badan ee ku soo fool leh nolosha dadka waxaa ka mid ah degaanka-sii-xumaanaaya, ayada oo nasiib darro la la' yahay nidaam wanaagsan oo arrintaas wax looga qabto. Waxaa haddaba la garan karaa in dhowridda degaanku uu yahay qodob moraaleed, arrin diineed, iyo amaanno Alle oo nalaga doonaayo in aan gaarsiinno jiilalka dambe. Degaanku waa mid aniga iyo adiga na wada quseeya.

Sanadahan dambe waxaa dunida si weyn ugu sii badanaaya garashada ay dowladaha dunidu ay garowstaan qiimaha uu leeyahay degaanka dabiiciga ah, ayada oo meelo badan oo dunida ka mid ah uu degaanku noqday mid ka mid ah arrimaha ugu mudnaanta sarreeya agendaha siyaasadeed.

SOOMAALIYA: Dal Degaan Ahaan La Baabi'iyey

Dalka Soomaaliya ma aha oo kaliya mid siyaasad ahaan kala qeybsan ee waa xitaa mid noqday dal degaan ahaan si weyn loo dhaawacay oo la qurmiyey, gaar ahaan dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey. Dalka Soomaaliya waxa uu ugu horreeyaa waddamaha sida ba'an u baabi'iyey degaankooda, si weynna ugu xadgudbay qaanuunka iyo baaqyada caalami aha ee ku wajahan dhowridda & daryeelka deggaanka dabiiciga ah. Dalka Soomaaliya oo aan weligiis yeelan qaanuun haga dhowridda degaanka iyo hey'ad dowladeed oo u xilsaaran illaalinta degaanka, ayaa waxaa beryahan dambe si weyn loo xaqiiqsaday in dagaalada sokeeye iyo faqriga ka jira dalkeennu uu si lama qiyaasaan ah u naafeeyey degaanka dabiiciga ah ee dalkeenna hooyo. Ayada oo ay weliba jiraan arrimo naxdin leh oo aan sharciga iyo bani'aadanimada aan waafaqsaneyn, balse leh sababo la fahmi karo iyo raad-reebto xunxun oo saameyn adag ku yeelan doona jiilalka dambe iyo kuwa maanta joogaba si weyna loo dareemi doono sanadaha dambe.

Markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya sanadii 1991 isla markaana ay kala daadasho weyn ku dhacday bulsho-weyntii Soomaaliyeed, waxaa dalka Soomaaliya ku soo yaacay shirkado ajnabi ah, kuwaas oo ujjeeddadooda ay tahay in ay si dhaqso ah uga faa'ideystaan xaaladda dalku ku sugan yahay iyaga oo ama daldalanaayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ama iyaga oo dalka Soomaaliya u isticmaalaya qashin-qub lagu aaso qashinka sunta ah ee ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka iyo weliba qashinka sunta ah ee ka soo baxa isbitaalada waddamada warshadaha ku horumaray.

Dhibaatooyinka degaaneed ee dalkeenna oo ah kuwa sii kordhaaya waxaa ka mid ah:

(i) Abaaraha wax-dila iyo fatahaadyada wax-baabi'iya oo si isdaba-joog ah uga dhaca dalkeenna, iyada oo aysan jirin saadaalin iyo ka-horta arrimahaasi wax looga qabnaayo. Tusaale ahaan, fatahaadyada oo ah kuwa dhaliya khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxaa ka dhasha cuduro fara badan oo ay dad badab u dhintaan. Fatahaadyada webiyada dalka Soomaaliya ku dhaca oo ah kuwo ka dhasha roobabka ka da'a dalka aan deriska nahay ee Itoobiya, waxa ay muujinayaan in Itoobiya
eysan aheyn oo kaliya dal dhibaato weyn ku haya xasiloonida siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, balse waxa uu saameyn oo aad u xun ku leeyahay wasaqeynta degaanka dalka iyo baabi'inta ilaha dhaqaalaha dalka;

(ii) Biyo la'aanta dhinaca hawada oo ku noqotay dalkeenna arrin si weyn u taabata nolosha dadka iyo xoolaha iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka oo idil, ayada oo ay biyuhu weligoodba ahaayeen arrimaha dhaliya colaadda sokeeyey ee dhex marta bulshooyinka meel wada deggan ee ka wada biyo caba ceelasha miyiga;

(iii) Xaalufka dabiiciga ah ee ku dhaca dhirta iyo keymaha dalkeenna gaar ahaanna kaga yimaada dhinaca daaqa iyo daryeel la'aanta;

(iv) Wasaqda musqulaha iyo qashin-qubyada ee sida aan habbooneyn loo daryeelo oo wasaqeeya ceelasha biyaha laga cabo, taas oo saameyn xun ku yeealata caafimaadka. Wasaqeyntan oo iminka noqotay mid sii kordheysa.

Ayada oo uu dalkeennu uu markii horeba la liicaayey intaas oo dhibaato oo ka heysta dhinaca degaanka ayaa waxaa sanadahan dambe bilowday ficilo lagu sii baabi'inaayo degaanka dalkeenna laguna waxyeeleynaayo nolosha iyo caafimaadka bulsho-weynta markii horeba dhibaateyseyd. Ficiladaas oo ay ka mid yihiin:

(1) Xaalufinta naxariis-darrada ah ee lagu hayo keymaha iyo dhirta, sida xad-dhaaf ahna u sii kordhaaya ayada oo laga shidaayo dhuxul loo dhoofinaayo dalalka Khaliijka, taas oo si fudud looga helo lacago adag. Arrintani waa fal lagu baabi'inaayo hantida dalka ee ay dadka oo idil wada leeyihiin. Saameynta ay xaaluufinta dhirta ku yeelan doonto degaanka dhulkeenna gaar ahaan dhulkii ku habboonaa daaqsimida xoolaha iyo beeraha ayaa ah mid saameyn adag iyo raad-reebto xun ku yeelan doonto nolosha dadka maanta jooga iyo kuwa jiilalka dad dambe. Dhirta oo qeyb weyn ka qaadata roobab iyo saxa-dhowrka guud ee degaanka oo idil, ayaa xaalufintani waxa ay dhalin doontaa xaaluf iyo nadaab-guud ku yimaada dhulka; ayada oo hawaduna sii kululaan karto, roobabkii di'i jirayna ay yaraan karaan. Dhinaca kale waxaa dabar-go'aaya xayawaankii duur-joogta ahaa iyo noolihii kale ee ay dhirtaasi nolol iyo nolol u aheyd. Waxaa kaloo meesha ka bixi doona dhamaan faa'idooyinkii kale ee ay dhirtu u lahaayeen dadka iyo xayawaanka sida gabbaadsiga geedaha, hoy u noqoshada xayawaanka iyo weliba qeybtii ay dhirta ka geysan laheyd qurxinta dhulka. Arrimahaasi oo dhan oo faa'ido soo jireen ah waxaa laga doortay laguna beddeshay lacag yar oo hal mar sacabada buuxisa. Sidoo kale waxaa la dabar-gooyaa xayawaanka dalkeenna iyo weliba xoolaha dhediga ah.

(2) Dhinaca kale waxaa kaloo bilaabatay in dalka Soomaaliya loo isticmaalo qashin-qubka lagu aaso qashinka sunta ah ee ka soo hara warshadaha kiimikada iyo kuwa nukliyeerka ee waddamada dhinaca warshadaha ku horumaray oo iyagu xal u la' qashinkaasi sii kordhaaya. Sida is daba joogga ah ee naxdinta leh ee qashinkaasi dalkeenna loogu aaso waa mid ay ka dambeeyaan shirkado ajnabi oo gacan saar guracan la leh shaqsiyaad Soomaaliyeed oo iyagu awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh bulshada dhexdeeda. Dalka Soomaaliya waxa uu maanta noqday meesha dunida loogu jecel yahay ee lagu aaso qashinka warshadaha ka soo hara. Suntan lagu aasay badaha iyo weliba dhulka Soomaaliyeed waa arrin saameyn adag iyo ma-harto dheer oo facka fac ah ku yeelaneyso caafimaadka bulshada iyo weliba dhaqaalaha dhinaca waxsoosaarka kalluunka badaha Soomaaliyeed. Waxaa taasi la mid ah kalluumeysiga aan sharciga waafaqsaneyn ee lagu hayo badaha Soomaaliyeed kuwaas oo xaalufin weyn ku haya kheyraadka dabiiciga ah.

In dalka Soomaaliya uu sidaas noqdo waxaa u sabab ah (i) dowlad la'aanta ka jirta dalkeenna; (ii) baahida weyn ee loo qabo in la helo meel qashinka lagu aaso oo weliba raqiis ah; (iii) burcadnidmada qaawan ee shirkada ka baacmushtara qashinka warshadaha (iii) Soomaaliya oo ku taalo meel meel u dhexeysa dunida oo dhan si fuduna loo gaari karo; (iv) warbaahinta oo arrintaasi aan si dhaqso ah uga war helin; (v) iyo weliba in si sahlan loo helay dad Soomaali ah oo ogolaaday in dalkooda lagu aaso qashinka sunta ee wax dila ama in la xaalufiyo dhirta iyo keymaha dhulkeenna Hooyo.

Arrimhaas murugada leh oo idil waa kuwo si weyn u taabanaaya xaaladda uu ku sugan yahay dalkeenna Hooyo. Nasiib-darrada naheysata ma aha oo kaliya in dalkeennu noqday mid dhaqaale, bulsho iyo siyasad ahaan burburay, balse waa in xitaa uu dalkeennu noqday mid beylah u ah shirkadaha shisheeye oo xiriir la leh dad Soomaaliyeed, oo ah kuwa ka faa'ideysta fursadaha noocaas oo kale ah.

Isku soo daroo dhaawaca iyo dhibaatada loo geystay welina lagu hayo degaanka dabiiciga ah ee dalkeenna ayaa ah mid baaxad weyn oo aan la qiyaasi karin hadda ka horne aanan dhicin. Ayada oo uu dalkeennu yahay dal aanan wax daraasado iyo cilmi-baaris ah lagu sameynin marka laga eego arrimahaasi degaanka ku saabsan, oo ma jiran macluumaad quseeya dhinaca degaanka oo la tixraaci karo. Ayada oo aysan dhinaca kalena aysan jirin wax dadaal ah oo muujinaaya wax ka qabsahada arrimahaas nolosha dadka saameynta weyn ku leh. Waayo dadkeenna waxa uu la'yahay awood dhaaqale iyo mid aqooneed ayada oo weliba xasiloonidii dhinaca siyaasadda oo arrimhaasi lagu wejihi lahaa ay maqan tahay.

Haddaba waxaa muuqata in aan si fudud loo xallin karin dhibaatooyinka laga dhaxlo degaankaasi sii xumaanaya, xitaa markii la xalliyo dhibaatad dhinaca khilaafka siyaasadeed ee hubeysan. Waxaase muuqata in ay muhiim tahay in marka hore la joojiyo ficilada xun xun ee lagu baabi'in'ayo degaanka. Ayada oo markaasina ay lama huraan tahay in la helo arrimaha soo socda. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas:

(i) waa in la helaa xasiloono dhinaca siyaasadda & amaanka;
(ii) waa in la helaa nidaam-dowladeed oo hufan;
(iii) waa in la dejiyaa istiraatijiyo lagu shaqeeyo;
(iv) waa in la helaa maalgelintii wax lagu qaban lahaa;
(v) waa in la helaa aqoonyahanno qibrad u leh arrimahaas;
(vi) waa in la abuuraa hey'adihii wax ka qaban lahaa.

Daraasado badan oo ay sameeyeen Ururka Biyaha iyo Degaanka Soomaaliyeed (Somali Centre for Water & Environment) waxa uu muujinayaa in inta ay arrimaha dhinaca siyaasadda, aqoonta iyo dhaqaalaha ay maqan yihiin aysan suuro gal aheyn in wax laga qabto degaanka sii xumaanaya ayada oo ay weliba maqnaanshaha arrimahaasi ay dhalinayaan in degaanka-sii-xumaanaya uu sii kordho. Haddaba dhaawaca iyo hanjabaadda lagu hayo degaanka dalkeenna ma heli doono jawaabta ay mudan yihiin, inta ay nabadda iyo xasilaani-siyaasadeed ay maqan yihiin.

Inkasta oo ay sanadahan dambe ay si aad ah u korortay tirada iyo tayada warbaahinta madaxa banaan ee dalka, kuwaas oo mar marka qaar soo qaata arrimaha la xiriira degaanka-la-sii-qurminaayo, haddana nasiib-darro ma noqonin dadaalkaasi mid wax weyn ka baddala dareenka dadka sida quracan uga ganacsada dhiigga dadka iyo dhaawicidda degaanka dalka, gaar ahaan kuwa dhirta jara si ay uga dhigaan dhuxul dibedda loo dhoofiyo, kuwa xawayaanka dabar-gooya, kuwa u oggolaada shirkada shisheeya in ay dalka qashin ku duugaan ama xaalufiyaan kalluunka badaha dalkeenna.

Haddaba waa in dalkeennana laga aqoonsan yahay maalinta degaanka adduunka, ayada oo uu weliba dalkeennu ay heysato dhibaatooyinkaas degaaneed oo idil. Waana in munaasabadda Maalinta Degaanka Adduunka ay wargeysyada iyo warbaahintuba ay qeyb weyn ka qaataan wayci gelinta bulshada Soomaaliyeed ee dhinaca degaanka.

Eynnu Wajahnno
Degaanka-sii-xumaanaaya
ee Dalkeenna!


E-mail: elmi@kth.se